Bakhaylnimadu waa sifo aan wanaagsanayn taas oo ka siiman yihiin oo aanay jeclayn dadka caalamka ku nool oo dhammi meel kasta oo ay joogaan iyo dhaqan kasta oo ay haystaanba.
Sheeko gaaban oo qosol iyo xikmad leh
Waxaa magaalo ku wada nool saddex bakhayl kuwaas oo haystay hanti iyo maal aad u fara badan, hantidoodana waxba kamay bixin jirin, xitaa masaakiintii ayaa baratay oo aan iyaga waxba weydiisan jirin, marka ay arkaana way dhaafi jireen.
Maalin ayay kasoo baxeen misaajid ay ku wada tukadeen salaadii jimce, kadib saddexdii nin mid ka mid ah ayaa u yeedhay labadii kale wuuna canaantay waxa uuna ku yidhi: (waryaadhaheen, bulshadii ka dhex baxnay, dadkii aynu la noolayna way inaga quusteen, xitaa masaakiintii ayaa wax ina weydiisan weyday, ilaahayna wuu inagu imtixaanayaa xoolahan uu ina siiyay, war heedhe aynu sidan si isugu dhaano oo ay dadkan masaakiinta ah wax siino).
Kadib labadii kale ayaa dhahay waa hadal wanaagsan, waanu kaa filaynay hadalkaa wanaagsan ee hadaba halkee ayaynu wax ka bilawnaa, maxaynu se samaynaa.
Kadib waxay dheheen waynu soo tashanaynaa ee jimcaha dambe halkaa isugu keen keena iyadoo nin waliba uu soo qorsheeyay khidaduu wax ku bixin lahaa, waana ay kala tageen.
Jimcihii dambe markii ay salaada kasoo baxeen ayay isu yimaadeen, kadibna kii koowaad ayaa hadlay oo yidhi, anigaa haya qaabkii aynu wax ku bixin lahayn, kadibna bakooraddiisi ayuu soo qabsatay goobo ayuuna ku wareejiyay dhulka, kadibna waxaa uu soo saaray lacagtii oo ahayd lacag shilimo ah oo bir ka samaysan waxa uuna yidhi: lacagta ayaan daadinayaa, marka aan daadiyo, ma wixii ku dhaca wareegga gudihiisa mise wixii ku dhaca wareegga dibadiisa, wixii ku dhaca wareegga gudihiisa innagaa iska leh, wixii ku dhaca se wareegga dibaddiisa masaakiinta ayaa iska leh oo waa aynu bixinayaa.
Kadibna waxa uu dhammaan lacagtii ku wada shubay wareegga gudihiisa, kadibna kuwii kalaa yidhi: war naga tag awalba maad doonayn inaad wax bixiso sowdigan wixiiba ku daadiyay meesha gudaheeda.
Kadibna mid kalaa soo kacay oo yidhi anigaa haya qaabkii aynu wax u bixin lahayn, kadibna xarriiq ayuu jeexay waxa uu yidhi: lacagta ayaan daadinayaa, marka aan daadiyo ma wixii ku dhaca dhanka midig mise wixii ku dhaca dhanka bidix, wixii ku dhaca dhanka midig innagaa iska leh, wixiise ku dhaca dhanka bidix masaakiinta ayaa iska leh.
Kadibna waxa uu wixiiba ku daadiyay dhanka midig, midkii kale ayaana qayliyay oo yidhi: awalba maad rabin inaad wax bixiso ee orodoo naga tag wax bixin uma jeedide.
Kadibna kii saddexaad ayaa dhahay anigaa idinka wanaagsan oo haya qaabkii aynu wax u bixin lahayn waxa uuna yidhi: cirka ayaan utuurayaa lacagta, marka aan tuuro; ma wixii cirka ku hadha mise wixii dhulka kusoo daata, wixii dhulka kusoo daata innagaa iska leh, wixii se cirka ku hadha masaakiinta ayaa leh oo waa aynu bixinaynaa.
Kadibna wixiiba waxay kusoo wada daateen dhulka ileen lacag hawada ku hadha lama arage, sidaas ayay ku dhamaatay saddexdii bakhayl iyo talooyinkoodu kala darnaa.
--* Dulucda Sheekada *--
- Nebigu ï·º waxa uu yidhi: (war naarta wax uun iska xigsiiya timir jeexeedna ha ahaatee).
- Bakhaylnimadu waa sida cudur oo kale, haddii aad la qabsato way adagtahay sidaad uga bixi lahayd, wax-bixintuna waa geesinimo.
- Ku dadaal inaad wax bixiso haba ahaato wax adiga kula yare, waxaa laga yaabaa in ay qof la weyntahay.