3 Sheeko oo xikmad badan

Maqaalkan waxaad kaga bogan doontaa saddex sheeko oo aad u xiiso iyo xamaasad badan, ayna ku duugan tahay xikmad iyo murti badan.

1. Ninkii caqliga badnaa



Waxaa jirey nin aad u caqli badan waxa uu ahaa mid dadku ay ula yimaadaan dhibaatooyinkooda si uu xal ugu raadiyo, waxaana jirey dad maalin walba u iman jirey oo uga caban jirey dhibaatooyin isku mid ah.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu u sheegay kaftan, qof kastaana aad ayuu u qoslay, daqiiqado yar kadib ayuu haddana ku celiyay isla kaftankii waxaana dhoola cadeeyay inyar oo dadkii kamid ah.

Mar saddexaad ayuu haddana isla kaftankii ku celiyay, balse markan xitaa hal qof oo dadkii ka mid ahi muu qoslin.

Kadibna ninkii caqliga badnaa ayaa yidhi: kuma qoslaysaan kaftan isku mid ah haddii lagusoo celceliyo, markaa maxay tahay sababta aad uga ooyaysaan dhibaato isku mid ah oo idinkusoo laalaabatay.



Dulucda Sheekada:

Inaad warwarto ma xallinayso dhibaatooyinkaaga, kaliya waxay qasaarinaysaa waqtigaaga iyo tamartaada.

2. Dameerkii Doqonka ahaa



Nin milixda iibiya ayaa waxa uu lahaa dameer, waxa uu u adeegsan jiray inuu ku qaado shandad ay milix ku jirto si uu suuqa ugeeyo maalin walba, waxaana ay sii dhaafi jireen durdur.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa dameerkii ku dhacay durdurkii, shandaddiina waxaa ka buuxsamay biyo, milixdiina waxay ku milantay biyihii; shandaddiina waxay noqotay mid fudud uuna qaadi karo. Dameerkiina aad ayuu u faraxsanaa.

Maalintaas kadib dameerkii waxa uu bilaabay inuu farsamadaa adeegsato maalin walba isagoo ogaan isugu tuuraya biyaha taasina ay keento in ay shandaddii u fududaato oo uu qaado.

Kadib ninkii milixda iibin jiray ayaa fahmay farsamada uu adeegsado dameerku, waxa uuna damcay inuu cashar udhigo. Maalintii dambe ayaa ninkii milixda iibinjiray waxa uu dameerkii kusoo raray shandad kale oo cudbi ka samaysan.


Kadib dameerkii waxa uu damcay inuu adeegsado farsamadii hore isagoo rajaynaya in shandaddan cudbiga ka samaysani ay iyana fududaan doonto.

Balse waxaa dhacay wax aanu filaynin, shandaddii markii ay biyihii galeen waxa ay noqotay mid aad u culus taas oo dameerkii ku adkaatay inuu qaado, dameerkiina aad ayuu udaalay.

Kadib dameerkii cashar ayay u noqotay arrintaasi, mana uu adeegsan farsamadii uu adeegsan jiray maalintaas kadib. Ninkii milixda iibin jirayna aad ayuu u farxsanaa.



Dulucda sheekada:

Nasiibku mar walba kuma saacidayo.

3. Saaxiibka ugu wanaagsan



Maalin ayaa laba nin oo saaxiibo ah waxa ay dhex socdeen saxaraha, kadibna waa ay doodeen, mid kamid ah ayaana wajiga laga dhirbaaxay.

Midkii la dhirbaaxay aad ayuu u murugooday, laakiin isaga oo aan waxba dhihin ayaa uu ciida ku qoray; "Maanta waxaa wajiga iga dhirbaaxay saaxiibkay".

Kadibna socodkoodi ayay iskasii wateen illaa ay kasoo gaadheen meel ay biyo ku jiraan waxayna go'aansadeen in ay ku maydhaan.

Kadib midkii la dhirbaaxay ayay dhoobo ku dhagtay isaga oo kasoo bixi kari waayay biyihii waana uu haftay, waxaa se badbaadiyay saaxiibkii, markii uu ka soo baxay biyihii ayuu dhagax ku qoray "Maanta waxaa noloshayda badbaadiyay saaxiibkay".



Intaas kadib kii wax dhirbaaxay sidoo kalena badbaadiyay saaxiibkii ayaa waydiiyay; "Markii aan ku dhirbaaxay ciida ayaad qortay, markii se aan ku badbaadiyay dhagax ayaad ku qortay, maxay tahay sababtu".

Waxa uu ugu jawaabay: "Marka uu qof na dhaawaco waxa aanu ku qornaa ciida halkaas oo ay dabayluhu tirtiri karaan, laakiinse marka uu qof noo sameeyo wanaag waxa aanu ku qornaa dhagax sidaas awgeed dabayluhu ma tirtiri karaan".


Dulucda sheekada:

Waad illaawi kartaa dadka dhibaatooyinka kuu gaystay, laakiinse marnaba ha illaawin dadka wanaaga kuu sameeyay.



2 Comments

Post a Comment
Previous Post Next Post