40 Hal-xidhaale oo adag iyo jawaabahoodi

Maqaalkan waxaad kaga bogan doontaa hal xidhaalayaal adag iyo jawaabahooda, waxaan rajaynayaa in aad si wacan uga bogan doonto oo aad ku xujaysan doonto asxaabtaada si aad u tijaabiso inta uu garaadkoodu le'eg yahay


1. Sheeg wax marka aad qalayso kaa ilmaysiiya?
- Jawaabtu waa Basasha.

2. Sheeg wax uu indhooluhu arki karo?
- Jawaabtu waa Riyada.

3. Sheeg wax lagaa qaadayo inta aan lagu siin ka hor?
- Jawaabtu waa Sawirka.

4. Sheeg wax aan shalay joogin, maantana jooga, berrina dhimanaya?
- Jawaabtu waa Maanta.

5. Sheeg muraayadda ka dhex bixi kara isaga oo aan jebin?
- Jawaabtu waa Iftiinka.

6. Waxaad sheegtaa qof lugihiisu ay dhulka ku taagan yihiin, madaxiisuna uu xidigaha ka sarreeyo?


- Jawaabtu waa Askariga (Xidiguhu kuwa cirka ma aha ee waa kuwa ku yaalla garabka shaadhkiisa).

7. Sheeg wax markaad kar kariso ama aad kululayso isu badalaya adke?
- Jawaabtu waa Beedka ama Ukunta.

8. Sheeg albaab aanay cidna furi karin wax kasta oo la sameeyo?
- Jawaabtu waa Albaabka furan, illeen markiisa hore ayuuba furan yahee.

9. Sheeg kalmad carabi ah oo ka kooban 24 xaraf oo aan wax dhibco ah lahayn?
- Jawaabtu waa Kalmadda tawxiidka ( لا اله الا الله محمد رسول الله ).

10. Sheeg wax dadku ay aad u jecel yihiin inay helaan, marka ay helaan se way ka cararaan?
- Jawaabtu waa Roobka.

11. Sheeg waxa marka wax badan lagu shubo oo la buuxiyo fududaada?
- Jawaabtu waa Buufinka 🎈.

12. Goorma ayuu qofku biyaha ku dul lugayn karaa ama uu ku dul socon karaa?
- Jawaabku waa Marka ay biyuhu fadhiistaan ama ay isu badalaan Baraf.

13. Waxaad tagtay beerta xayawaanada, waxaad ku aragtay shimbiro, daanyeerro, digaagado iyo balanbaalis. Haddaba yaa ugu caqli badan noolayaasha beerta jooga?
- Jawaabtu waa Adiga.

14. Waa maxay waxa ugu horreeya ee aad samaysid marka aad hurdada kasoo kacdid?
- Jawaabtu waa: Waxa aad kala furtaa labadaada indhood.

15. Waxaad maqashay inuu shil dhacay kadibna waad ku carartay, haddaba maxaad ku cararaysay?
- Jawaabtu waa: Waxa aad ku cararaysay labadaada lugood.

16. Anigu waxaan leeyahay 3 walaal, mid kasta oo walaalahay kamid ahina waxa uu leeyahay 3 walaal. Haddaba imisa ayaanu nahay?
- Jawaabtu waa: Waxa aanu nahay afar walaal, sababtoo ah mid kasta oo naga mid ah marka uu hadlayo waxa uu odhanayaa waxa aan leeyahay 3 walaal isaga ayaana afar ku noqonaya.

17. Sheeg wax lacagta kuu laba jibbaaraya, oo tusaale ahaan haddii aad $100 haysato kaaga dhigaya $200?
- Jawaabtu waa Muraayadda, oo muraayaddu wax kasta laba ayay ka dhigaysaa ma ahan lacagta oo kaliya.

18. Waxa aad sheegtaa hal shay oo sababi kara farxad, murugo iyo dagaal intaba?
- Jawaabtu waa Lacagta.

19. Qof aan daahir ahayn maku daba tukan kartaa oo imaam makuu noqon karaa?
- Jawaabtu waa Haa,sababtoo ah haddii aanu magiciisu daahir ahayn waad ku daba tukan kartaa oo magiciisu muhiim ma aha wixii la doono hala dhehee, kaliya waxaa muhiim ah in uu wayso qabo.

20. Sheeg noolaha leh 16 farood iyo 4 suul?


- Jawaabtu waa Bani aadamka, oo farahaaga kuwa lugaha iyo kuwa gacmaha marka la isu geeyo waa 16, sidoo kale suulashaada kuwa lugaha iyo kuwa gacmaha marka la isku daro waa 4 suul.

21. Waxaa jira noolayaal dhala beed sida shimbiraha, yaxaaska IWM. Sidoo kale waxaa jira noolayaal dhala ilmo oo aan beed dhalin waxaana kamid ah Dadka, xoolaha aynu dhaqanno, deerada, libaaxa, shabeelka iyo kuwo kale oo badan. Hadaba waxaad sheegtaa noole aan dhalin beed iyo ilmo toonna?
- Jawaabtu waa Labka.

22. Sheeg noole la dhalo laakiinse isagu aan wax sii dhalin?
- Jawaabtu waa Baqasha, oo waxaa iska dhalay faras iyo dameer laakiinse isagu wax masii dhalo.

23. Sheeg qof hooyadaa iyo aabahaa ay dhaleen oo aan walaalkaa ahayn?
- Jawaabtu waa Walaashaa, walaalkaa ma aha laakiinse waa walaashaa.

24. Sheeg wax aad adigu leedahay, laakiinse markay noqoto adeegsigiisa dadka kale ayaa adeegsada in ka badan inta aad adigu adeegsato?
- Jawaabtu waa Magacaaga.

25. Sheeg wax haddii aad wax ka qaaddo waynaanaya, haddii aad wax ku dartana yaraanaya?
- Jawaabtu waa Godka, oo godka haddii aad ciid kasoo gurto wuu waynaanayaa, haddii aad ciid ku shubtidna wuu yaraanayaa.

26. Halkan maxaad ku aragtaa?
- Jawaabtu waa: Waxaan ku arkaa indhahayga.

27. Sheeg wax ay lo'du afar ka leedahay, gabadhuna laba ka leedahay?
- Jawaabtu waa Lugaha, oo lo'du waxay leedahay afar lugood, halka gabadhu ay leedahay laba lugood.

28. Haddii aad haysato Lix xabo oo beed ama ukun ah oo aad labo soo saarto, labana aad jabiso, labada aad kariso, imisa xabbo oobeed ah ayaa kuusoo hadhaya?
- Jawaabtu waa Afar xabbo oo beed ah, sababtoo ah labo xabbo ayuun baan soo saaray oo jabiyay oo misna kariyay.

29. Sheeg shay markiisa hore biyaha ka yimaadda, haddii ay biyuhu taabtaanna dhimanaya?
- Jawaabtu waa Barafka, oo barafka haddii aad biyo ku riddo waa uu dhalaalayaa iyada oo uu markiisi horeba ka samaysmay biyaha.

30. Sheeg waxa u dhexeeya cir iyo dhul?


- Jawaabtu waa ereyga "iyo".

31. Sheeg xayawaanka aan la cunin isaga laf ahaantiisa balse la cuno waxa uu dhalo?
- Jawaabtu waa Shinnida, oo shinnida iyada lama cunee malabkeeda ayaa la cunaa.

32. Markaad ahayd 20 jir axmed waxa uu jiray da'da aad jirto badhkeed. Hadaba da'da axmed imisa ayay noqonaysaa haddii aad adigu iminka tahay 40 jir?
- Jawaabtu waa: Axmed waxa uu jiraa 30 sano sababtoo ah toban sano ayuu kaa yar yahay, oo markaad 20 jir ahayd 10 jir ayuu ahaa, imminka oo aad 40 jir tahayna waa 30 jir.

33. Waa maxay shayga kaliya ee aad tuuraysid marka aad u baahan tahay?
- Jawaabtu waa Shabagga kalluunka lagu dabto.

34. Sheeg xubin jidhkaaga ka mid ah oo markay wasakhawdo caddaan noqota?
- Jawaabtu waa Carrabka.

35. Sheeg wax qofka iibinayaa aanu u baahnayn, qofka iibsanayaana aanu isticmaalin, qofka isticmaalayaana aanu arki karin?
- Jawaabtu waa Kafanta maydka lagu asturo.

36. Sheeg inta erey ama inta kalmadood ee uu 'Qaamuus' ka kooban yahay?
- Jawaabtu waa Hal erey oo kaliya waana ereyga 'Qaamuus'.

37. Sheeg ereyga kaliya ee qalad ah taas oo ku jirta qaamuuska afka soomaaliga?
- Jawaabtu waa Ereyga 'Qalad'.

38. Sheeg magaca kaliya ee soomaali ah ee lab ah kaas oo ku dhamaada xarafka 'A'?
- Jawaabtu waa Magaca 'Warfaa'.

39. Sheeg meesha uu jimcuhu kaga horreeyo khamiista?
- Jawaabtu waa Qaamuuska afka soomaaliga, oo xarafka 'J' ayaa ka horreeya xarafka 'KH'.

40. Sheeg been aad janno ku gali karto iyo run aad naar ku gali karto?
Jawaabtu waa:
- Beenta aad jannada ku gali kartaa waa beenta aad sheegto markaad heshiisiinayso dad isku dhacsan oo uu dhexdooda khilaaf yaallo.
- Runta aan naarta ku gali kartaana waa runta aad ka sheegto hadal uu qof ka dhahay qof kale isaga oo aan ogayn, tusaale ahaan inaad dhahdo 'Hebel ayaa waxaas kugu lahaa' iyadoo ay runtaa tahay, middaas oo keeni karta in ay labadii qof isku dhacaan oo aad sabab u noqoto in dhexdooda uu khilaaf soo kala dhex galo.


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post