Qof kasta oo inaga mid ahi waxa uu leeyahay hadaf kaas oo uu doonayo inuu xaqiijiyo.
Inaad hadaf samaysato waa wax aad u fudud, laakiin inaad hadafkaa xaqiijiso aad ayay u adag tahay, waxaana ay kaaga baahan tahay dadaal iyo juhdi fara badan.
Hadaf kasta inta aan la gaadhin waxaa ka sokeeya caqabado farabadan kuwaas oo dadka qaar ka hor istaaga kana niyad jabiya inay gaadhaan hadafkooda.
Halkan hoose waxaa ku qoran Toddoba tallabo oo fudud kuwaas oo kaa caawinaya inaad xaqiijiso hadafkaaga.1. Qor hadafkaaga
Hadafkaaga kasoo saar suuraysiga kuna qor warqad. Middani waxay kaa caawinaysaa inaad xasuusnaato hadafkaaga ama yoolkaaga.
2. U jaangoo muddo cayiman
Waa inaad go'aamisaa muddada aad ku gaadhayso yoolkaaga. Haddii uu yoolkaagu yahay mid wayn oo caqabado badan ay ku jiraan gudihiisa, isku day inaad u qayb-qaybiso tallaabooyin yar-yar, tallaabo kastana aad u samayso muddo cayiman oo aad doonayso inaad ku dhamays tirto, muddooyinkaasna waa inaad ku calaamadsataa meel.
3. Horumari maskaxdaada
Inta aanad bilaabin hadafkaaga waa inaad dhistaa maskaxdaada iyo fikradahaaga ku aaddan hadafkaaga ama yoolkaaga, tusaale ahaan waa inaad akhridaa buugta dhiiri galinta ah, sidoo kale waa inaad ka ag dhawaataa dad ku dhiiri galinaya, waana inaad aaminsanaataa awoodahaaga, fursad kastana waa inaad ka faa'idaysataa.
4. Dhis xirfadahaaga
Yool kastaa Waxa uu u baahan yahay xirfado u gaar ah kuwaas oo ay lagama maarmaan tahay inaad barato si aad u gaadho yoolkaas, waa inaad ogaataa nooca xirfadaha aad u baahan tahay kadibna aad sii horumarisaa si aad u gaadho hadafkaaga.
5. Qaad tallaabada koowaad
Waa muhiim inaad dhaqaaq samayso, caksigeeda fikrado iyo xirfado kaliya waxba kuu tari maayaan haddii aanad ficil samaynin, waana inaad isla hadda aad bilawdo, aadna ku bilawdo waxa aad haysato, looma baahna inaad sugto waqtiga ay wax waliba hagaagayaan, waayo ma jiraan waqti ay wax hagaagayaan kaliya waa qancin aad naftaada qancinayso, tallaabada ugu horraysa ayaana ah midda ugu adag, marka aad qaddo tallaabada ugu horraysa inta soo hadhayna waa ay fududaanayaan, sidaas darteed qaad tallaabada koowaad.
6. Joogtee dadaalkaaga
Inaad gaadho yoolkaagu ma fududa, caqabado badan ayaa ka sokeeya, ha isku dhiibin caqabadaha ugu horreeya, waa inaad diiradda ku haysaa natiijada u dambaysa, waana inaad hore usii socotaa, u arag caqabad kasta inay tahay fursad aad wax ku baranayso horena kusii wadaysa.
Ugu yaraan waa maalin kasta waa inaad samaysaa hal shay oo kuu dhawaynaya yoolkaaga, ishana ku hay natiijada u damaysa si aad u hesho dhiiri galin.
7. Abaalmari naftaada
Marka aad abaalmariso naftaada waa inaad udhiibtaa yool kale oo ka wayn kana caqabado badan midkii hore.
Gebogebo iyo gunaanad
Dhammanteen waxa aynu leenahay yool kaas oo aynu rabno in aynu xaqiijinno, sidaas darteed waa inaad isha ku haysaa yoolkaaga. Todoban qodob ee fudud waxa ay kaa caawinayaan inaad xaqiijiso hadafkaaga.
Waxaan idiin rajaynayaa inaad xaqiijisaan hadafyadiina haddii alle uu raali ka yahay, nasiib wacan!.