Kuwani waa 45 weydiimood oo aanay jawaabahoodu ahayn sida aad u malaynayso una baahan caqli iyo in si fiican looga fikiro, sidoo kale haddii aad garan waydo jawaabta, kaliya taabo badhanka buluuga ah ee ay ku qoran tahay "Eeg Jawaabta" si aad u aragto jawaabta weydiin kasta.
W1.
1. Sheeg laba shay oo aanad cunin xilliga quraacda?
Waa Qadada iyo Cashada
W2.
2. Sheeg wax la jabin karo, laakiinse aan la qaban karin?
Waa Ballanta
W3.
3. Sheeg wax hadduu wax cuno noolaada, haddiise uu wax cabbo dhinta.
Waa Dabka
W4.
4. Sheeg wax kor usocda oo aan hoos usoo dhicin waligii?
Waa Cimriga
W5.
5. Nin ayaan seexanin muddo dhan 30 maalmood, waxna masoo gaadhin caafimaadkiisa, sidee ayay ku dhacday?
Habeenkii ayuu seexan jiray
W6.
6. Haddii 8 nin ay ku qaadatay 10 saacadood inay ku dhiseen gidaar, imisa saacadood ayay ku qaadanaysaa 4 nin?
Wax waqti ah ku qaadan mayso, ileen gidaarka waaba la dhisee.
W7.
7. Doon ayaa markay kaa fogayd waxaa saarnaa dad badan, markay kuusoo dhawaatayna hal qof ma saarnayn, sideebay ku dhacday?
Doontu markay kuusoo dhawaatay hal qof ma saarnayn, laakiin waxaa saarnaa dad badan.
W8.
8. Nin ayaa kubbad laaday waxayna ka fogaatay 10mitir meshii uu taagnaa; hadana waxay kusoo noqotay isla meeshii uu ka laaday, sideebay ku dhacday?
Kor ayuu u laaday
W9.
9. Nin ayaa dibadda u baxay waxaana da'ayay roob wax dallaayad ahna muu qaadan, wuu soo noqday iyadoo tin madaxiisa ku taallaa aanay qoyin, sideebay ku dhacday?
Bidaar ayuu lahaa
W10.
10. Waxaan ku bilaabmaa taagnaan, markasta oo aan sii taagnaadana waa markasta oo uu koritaankaygu yaraado, maxaan ahay?
Waxaan ahay shumac
W11.
11. Bilaha qaarkood ayaa leh 31 maalmood, halka kuwo kalena ay leeyihiin 30, hadaba imisa bilood ayaa haysta 28 maalmood?
Dhammaan 12 biloodba way haystaan 28 maalmood
W12.
12. Midkee ayaa culus; kiile bir ah iyo kiile cudbi ah.
Way is le'egyihiin, sababtoo ah labadooduba waa min hal kiile
W13.
13. Bal suurayso adigoo ku jira qol ay biyo kasoo buuxsamayaan oo aan lahayn albaab iyo daaqado, sidee ayaad uga bixi lahayd.
Kaliya jooji suuraysiga
W14.
14. Sheeg wax daqiiqaddii laba jeer ku jira laakiinse qarnigii hal mar ku jira.
Waa xarafka "Q"
W15.
15. Halkee ayay ku taallaa bad-weyn aan lahayn wax biyo ah.
Waxay ku taallaa khariiradda.
W16.
16. Sheeg wax sii waynaada markasta oo aad wax ka qaado.
Waa godka, markasta oo aad ciid kasoo saarto wuu sii waynaanayaa.
W17.
17. Haddii aad ku jirtay tartan oo aad dhaaftay qofka labaad, kaalintee ayaad ku jirtaa iminka?
Kaalinta 2aad
W18.
18. Darawal aan sidan wax liisan ah ayaa maray waddada iyadoo ay arkayayeen ugu yaraan 10 askari, laakiinse may qabanin, sideebay ku dhacday?
Sababtoo gaadhi muu wadan, kaligii ayaa wadada marayay.
W19.
19. Imisa jeer ayaad 10 ka jari kartaa 100?
Hal mar, sababtoo ah marka xigta 90 ayaad ka jaraysaa 10.
W20.
20. Intii aan la ogaan buurta adduunka ugu dheer ee "Everest", buurtee ayaa adduunka ugu dheerayd?
Isla iyada ayaa ugu dheerayd "Everest" xitaa haddii aan la ogayn.
W21.
21. Haddii uu madax-weyne ku xigeenku dhinto, yaa noqonaya madax-weyne?
Madax-weynaha ayaa sii ahaanaya madax-weyne haddii ku xigeenkiisu dhinto iyo haddii kaleba.
W22.
22. Haddii ay 10 shimbirood geed saarnaayeen oo la toogto mid ka mid ah, imisa shimbirood ayaa geedka ku hadhaya?
Midna, inta kale way duulayaan.
W23.
23. Imisa dhinac ayay goobadu leedahay?
Laba dhinac: Gudaha iyo Dibadda.
W24.
24. Maxay mamnuuc utahay in qof ku nool maraykanka lagu aaso magaalada barakaysan ee makka?
Lama aaso qof wali nool.
W25.
25. Sheeg wax u baahan inaad ka jawaabto, laakiinse aan weydiin ahayn?
Wicitaanka taleefanka.
W26.
26. Sheeg wax markasta uu ku dhamaado shay?
Waa xarafka "Y"
W27.
27. imisa xaraf ayaa kuu jira quraanka?
8 Xaraf ayaa ku jira ereyga "quraanka"
W28.
28. Sheeg wax kor iyo hoosba usocda hadana isla meeshii uun taagan.
Waa jaranjarada
W29.
29. Nin ayaa kasoo dhacay jaranjararo dhererkeedu yahay 20mitir, saasoo ay tahay wax dhaawac ahi ma soo gaadhin, sideebay ku dhacday?
Waxa uu kasoo dhacay jaranjarta ugu hoosaysa ee dhulka udhow.
W30.
30. Sheeg kalmad qalad ah oo ku jirta qaamuuska afka soomaaliga?
waa kalmadda "Qalad"
W31.
31. Waa maxay tallaabada ugu fiican ee aad samaynayso si beed ama ukun aad ugu tuurto marmar iyadoo aanu jabin?
Kaliya kusoo tuur; beedku wuu jabayaa laakiin marmarku ma jabayo.
W32.
32. Nin xidhan maryo madow ah ayaa dhex marayay wadada, si kadis ah gaadhi wayn oo aanay laydhadhku u daarnayn ayaa wadadii soo galay; kadib waa uu ka istaagay ninkii, hadaba sideebuu ku ogaaday ninka gaadhiga wadaa in uu qof marayo wadada ileen gaadhiga laydhadhku umay daarnayne.
Sababtoo ah maalin ayay ahayd.
W33.
33. Midkee ayaa saxan: goray duulaa ama gorayada duusha?
Midna; sababtoo ah gorayadu ma duusho.
W34.
34. Sameeyuhu uma baahna, iibsaduhuna ma adeegsado, adeegsaduhuna ma arko; hadaba muxuu yahay waxaasi?
Waa kafanta ama karfanta
W35.
35. Dhankee ayay shimbirtu ku leedahay baalal badan?
Dhanka dibadda (Dhanka gudaha wax baal ah kuma laha).
W36.
36. Sideebay ku dhacday nin timaha jara dhowr jeer maalintii; in ay ku yaalaan timo dhaadheer.
Sababtoo ah waa tima-jare.
W37.
37. Nin ayaa gaadhi jiidhsiiyay laba qof; askari ayaana arkayay misna lama soo xidhin, sideebay ku dhacday?
Sababtoo ah GAME ayuu ciyaarayay (GTA 5).
W38.
38. Sheeg wax muuqaaga oo kale samayn kara, laakiinse aan codkaaga oo kale samayn karin?
Waa muraayadda.
W39.
39. Sheeg wax yimaada oo kaliya, balse aan tagin?
Waa barri.
W40.
40. Sheeg wax sii fiicnaada markasta oo aad adeegsato?
Waa maskaxda.
W41.
41. Waxa aad samayn karto, laakiinse adiga iyo cid kaleba aanay arki karin?
Waa qaylada ama dhawaaqa.
W42.
42. Haddii nin waayeel ah, gabadh uur leh iyo wiil dhalin yaro ahi ay ku tartamaan meel beer ah, midkee ayaa ugu dheeraynaya oo gaadhaya geedka cambaha ee beerta ku yaalla kana soo goosanaya 10 xabo oo muus ah?
Midna, sababtoo ah geedka cambaha ah muus lagama goosto.
W43.
43. Sheeg wax ilko leh oo hadana aan waxba ku qaniini karin?
Waa gadhfeedha ama shanlada.
W44.
44. Sheeg wax sida maroodiga u wayn, laakiinse aan wax miisan ah lahayn?
Waa hadhka maroodiga.
W45.
45. Maxaa dhacaya haddii aad dhagax ku tuurto badda?
Dhagaxu waa uu qoyayaa.
Masha allah
ReplyDeleteThanks bro
Delete