30 XIKMADOOD OO KU SAABSAN "FARXADDA"


1. Farxaddu ma ahan maqnaanshaha mushkiladaha, balse waa awooda aad ku xalin lahayd mushkiladahaas.

2. Caqabadda kaa hortaagan in aad faraxsanaato waa inaad rajayso farxad ka badan midda aad haysato.


3. Farxadda dhabnimadeeda waxaad  kaliya arkaysaa markaad wadaagto.

4. Farxaddu wax micno ah kuu samayn-mayso haddii aanad murugo dareemin mararka qaar.

5. Baro sida loogu raaxaysto noloshaada, hadda noqo mid faraxsan, ha sugin wax ka baxsan naftaada si uu farxad kuu siiyo mustaqbalka.

6. Wax farxad ah heli mayno haddii waxyaabaha aynu aaminsannay ay ka duwan yihiin waxyaabaha aynu qabanno.

7. Farxadda iyo murugadu way is barbar socdaan, marka uu mid nasiino qaatana midka kale ayaa socodka sii wada.

8. Ma noqon kartid mid faraxsan ilaa aad bilaa farxad noqotid mararka qaar.

9.  Farxadda noloshaadu waxay ku tiirsan tahay tayada fikradahaaga.

10. Farxaddu waxay u muuqataa mid yar marka aad gacmahaaga ku haysato, laakiin marka aad waydo ayaad ogaanaysaa inta waynideeda iyo qiimeheedu ay le'ekaayeen.

  11. Ma jiro waddo loo maro farxadda, farxadda ayaa wadadii ah.

12. Qofka faraxsan ayaa dadka kalena ka dhigi kara kuwo faraxsan.

13. Guushu ma ahan furaha farxadda. Farxadda ayaa ah furaha guusha. Haddii aad jeceshahay waxa aad qabanayso waad guulaysanaysaa.

14. Farxaddu waa badh ka mid ah caafimaadka.

15. Ma baranayno geesinimada iyo adkaysiga haddii wax kasta oo adduunka korkiisa saaran ay farxad ka buuxsanto.

16. Farxaddu waxay timaadaa dhibaato dabadeed.

17. Farxadda iyo qosolku waa qayb ka mida quruxda nolosha.

18. Nolasha hafka lehi waa midda soo dabta farxadda.

19. Ilbidhiqsi kasta oo nolashaada ka mida ka yeel mid farxadeed.

20. Qofna ha u ogolaan inuu farxadaada qaato.

21. Adkaysigu waa furaha farxadda.

  22. Iimaanku qofka nool farxad ayuu siinayaa, ka dhintayna raaxo.

23. Murugadu way gaaban tahay, farxaddu-se ma dhammaato.

24. Qanaacadu waa farxadda ugu weyn.

25. Dhibaato la'aan sidee ayaynu ku ogaan karnaa farxadda?

26. waxaa suurto gal ah inaad kun shumac iftiin siiso adigoo adeegsanaya hal shumac oo kaliya iyadoo aanay taasi iftiinkiisa waxba ka nusqaaminaynin, farxadda aad dadka la wadaagtaana waa sidaas oo kale.

27. mid kamida waxyaabaha ugu quruxda badan ee ay farxaddu leedahay waa inaad u malaynayso in aanad waligaa arkin murugo.

28. Farxaddu waa micnaha, ujeedada iyo yoolka nolosha.

29. Wajigaaga dhoola cadayn ku beer, farxad ayaad ka goosanaysaa wajiyada dadka'e.

30. Farxaddu ma ahan waxa aynu haysanno, balse waa in aynu fahanno qiimaha waxa aynu haysanno.



Post a Comment (0)
Previous Post Next Post