25 XIKMADOOD OO KU SAABSAN NOLOSHA



1. Guushu ma ahan in aanad samayn wax qalad ah ee waa in aanad soo celcelin qaladkaaga.


2. Guulaystuhu waa midka wax ka arka in ka fog inta ay dadka kale wax ka arkaan.

3. Nolashu waa sida gabadha oo kale, natiijooyinka ugu wanaagsan waxay ku siinaysaa markaad u dhoola cadayso.

4. Noqo qof muuq wanaagsan indhuhu kuma illoobi doonaane, sidoo kale noqo qof dhaqan wanaagsan qalbiyadu kuma illoobi doonaane.

5. Muhiimaddu ma ahan kaliya inaad noolaato, ee waa inaad ku noolaato nolol qurux badan.

6. Raali galinta dadku waa hadaf aan la gaadhin, ku noqo naftaada oo raali gali rabbigaa.

7. In badan wax dhagayso in yarna hadal.

8. Haddii uu caqligu bato waxaa yaraada hadalka.

9. Nolosha uu caqligaagu ku hogaaminayo ayaa ka fiican nolasha ay dadka kale odhaahyadoodu ku hogaaminayaan.

10. Murugadu waxba kama badasho waqtiga, balse dhoola cadaytu waxay furaysaa waqti cusub.

  11. Caafimaadka ayaa ka wanaagsan hantida.

12. Haddii ay awoodaadu kuugu yeedho inaad dulmido dadka, xasuusnow awooda ilaahay.

13. Qofka aan waqtigiisa aan nidaamin, waa qofka ugu horeeya ee ka cabanaya gaabnaanta waqtiga.

14. fahmaa wuu bartaa, dadaalaana wuu gaadhaa.

15. Noloshu waa sida dab oo kale; waana laba midkood: in aynu ku gubanno, ama in aynu bakhtiinu oo aynu ku noolaano mugdi.

16. Noloshu waa riyo, taasoo ay inaga toosiso geeridu.

17. In uu qofku dhaco ma ahan guul darro, balse waxa guul darro ah in uu kusii sugnaado meeshii uu ku dhacay.

18. Noloshu dhadhan malahan hadaf la'aan.

19. Nolasha 10% waa waxyaabaha kugu dhacaya, halka 90% ay tahay sida aad uga fal celiso.

20. Shay kastaa waxa uu u muuqdaa mid aan suurto gal ahayn ka hor inta aanad samaynin.

21. Guushu waa inaad jeclaato naftaada, waxa aad samaynayso iyo sida aad u samaynayso.

  22. Haddii aad ku riyoon karto, waad samayn kartaa.

23. Qofka aan waligii qalad samaynin, waligii wax cusub iskuma dayin.

24. Wax kasta oo aad sawiran karto waa xaqiiq.

25. Qabo waxa aad awoodo, kuna qabo waxa aad haysato, kana qabo meesha aad joogto.


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post