60 Xaqiiqo oo cajiib ah oo aanad ka ogayn jidhkaaga

Bani aadamku waa mid kamid ah noolayaasha ugu samayska wanaagsan ee ilaahay SW uu abuuray, haddii aad u fiirsato jidhkaaga waxaad arkaysaa waxyaabo badan oo cajiib ah oo aad kaga duwan tahay noolayaasha kale.

Maqaalkan waxaad ku arki doontaa xogo iyo xaqiiqooyin ku duugan jidhka bani aadamka kuwaas oo laga yaabo in aanad horey u maqal dhammaantood ama intooda badan.


1. Maskaxdu waxay leedahay tamar koronto oo aad u sarraysa waxayna shidi kartaa guluub 10 watt ah.


2. Maskaxdu waxay isticmaashaa 20% kamid ah Oxygen-ta soo gasha jidhka.

3. Culayka maskaxda qofka wayni waa 1.5kg taas oo ka dhigan in ay culayska jidhka oo dhan ka tahay 2%.

4. Maskaxdaada 80% waa biyo, dadka qaar ayaa u maleeya in maskaxdu ay qallalan tahay oo ay tahay sida ay ka arkaan muuqaallada internetka ama TV-ga, sida saxda ahna maskaxdu waa mid qoyan oo ay inteeda badani tahay biyo.

5. Saynisyahannadu waxay dheheen markasta oo uu caqligaagu badan yahay waxaa badan riyadaada.

6. Maalin walba celcelis ahaan qofku waxa uu lumiyaa 60-100 xabo oo timo ah.

7. Celcelis ahaan timaha gadhka ee ninku haddii aan la xiirin noloshiisa oo dhan waxay gaadhi karaan 30 Feet ama 9 mitir.

8. Cimriga timaha qofku waa 3 illaa 7 sano, haddii aanad xiirin iyaga ayaa iskood usoo daadanaya waxaana soo baxaya kuwo kale oo cusub.

9. Timuha kuma burburaan qabowga, isbadalka cimilada, biyaha iyo sidoo kale noocyo badan oo kamid ah Acids-ka.

10. Ciddida ugu koritaanka badan waa ciddida far-dhexada, sababtuna waa in koritaaka ciddidu uu ku xidhan yahay dhererka farta, faraha dhaadheer ciddidoodu waxay u kortaa si xawli ah, halka faraha gaagaaban ciddidoodu ay u korto si aayar ah.

11. Ciddiyaha ku yaalla faruhu waxay 4 laab ka koritaan badan yihiin ciddiyaha ku yaalla suulasha.

12. xubinta ugu dheer jidhka bani aadamku waa mindhicirada yaryar,

13. Gidaarada caloosha waa la badalaa saddexdii ama afartii cishaba mar.

14. Garaaca wadnaha gabadhu waxa uu ka degdeg badan yahay midka ninka.

15. Sambabkaaga bidix waa uu ka yaryahay sambabkaaga midig, sababtuna waa si uu wadnuhu boos u helo.

16. Waad saari kartaa qaybo badan oo xubnaha gudaha jidhla ka mid ah mana dhimanaysid.

- Waad badbaadi kartaa haddii xitaa lagaa saaro caloosha, xameetida, 75% beerka kamid ah, 80% mindhicirada kamid ah, hal kelli iyo hal sambab.

17. Celcelis ahaan qofku waxa uu neefsadaa 11,000 Litres oo hawo ah maalin walba.

18. Dareenka urku waxa uu 10,000 oo jeer ka xasaasi-san yahay dareenka dhadhanka.

19. Qofka qaan gaadhka ah wadnihiisu waxa uu garaacmaa 75 jeer halkii daqiiqaba.

20. Maqaarku waa xubinka ugu ballaadhan ee jidhka bani aadamka.

21. Lafta ugu yar lafaha jidhka bani aadamka waxaa laga helaa dhagaha, dhererkeeduna waa 2.8 Millimeters.

22. Lafta bawdadu waa lafta ugu dheer lafaha jidhka bani aadamka.

23. Sida ay dadku ugu kala duwan yihiin xarriiqaha faraha isla sidaas oo kale ayay ugu kala duwan yihiin xarriiqaha carrabka.

24. Lafaha ilmaha yar ee dhashay waa 300 oo lafood, halka dadka waawayn ay yihiin 206 lafood.

25. Dhererka micdhicirada yaryar ee jidhka bani aadamku waa 23 Feet ama 7 Meter.

26. Hal mar ma wada samayn kartid inaad neefsato iyo in aad wax liqdo, laakiinse carruurta yaryar ee dhalatay way samayn karaan middaas; illaa iyo inta ay ka gaadhayaan 7 illaa 8 bilood.

27. Carrabka waxaa ku yaalla 10,000 oo unugyo dhandhan ah, guud ahaanna dumarka ayaa kaga badan ragga.

28. Qaybta midig ee maskaxdaadu waxa ay maamushaa dhinaca bidix ee jidhkaaga, halka qaybta bidix ee maskaxdaadu ay maamusho dhinaca midig ee jidhkaaga.

29. Qofka qaan gaadhka ah miisaanka maqaarkiisu waxa uu gaadhaa 3 illaa 4kg.

30. Maskaxdaadu waxa ay noolaan kartaa muddo gaadhaysa 10 daqiiqo Oxygen la'aan.

31. Xaaladaha ay ku haleesho macluul ba'an maskaxdaadu waxay bilaabaysaa inay iskeed isku cunto.

32. Kellidaada bidix waa ay ka yara sarraysaa kellidaada midig.

33. Caruurta yar yar waxay il jabiyaan halkii daqiiqaba hal ama laba mar, halka dadka qaan gaadhka ahina ay sameeyaan 10 jeer halkii daqiiqaba.

34. Muruqa daanku waa muruqa ugu awoodda badan jidhka bani aadamka.

35. Bani aadamku ma dheefshiidi karo cawska, si ay taas u sameeyaan waxay u baahan yihiin dhowr caloolood sida saca oo kale.

36. Marka aad hindhisto xawaaraha ay hindhisadu jartaa waxa uu gaadhaa 100 Mile saacaddiiba (100Mph).

37. Marka aad cunto cunno aad ubadan awoodda maqalkaagu hoos ayay u dhacaysaa.

38. Haddii uu carrabkaaga qallalan yahay waxba kuma dhadhamin kartid. Waad tijaabin kartaa.

39. Qof kastaa waxa uu leeyahay dareen ur oo ugaar ah marka laga reebo mataanaha isu eeg.

40. Xajmiga indhahaagu isma badalin, waxa ay le'eg yihiin intii ay le'ekaayeen markii aad dhalatay, laakiin sankaaga iyo dhagahaagu ma joojiyaan koritaanka.

41. Sambabada qofka bani aadamka ah haddi biyo lagu rido way dul sabbaynayaan.

42. Laabatada ugu wayn jidhka bani aadamku waa ruugga

43. Jidhka bani aadamku waxa uu ka kooban yahay in ka badan 600 oo muruq.

44. In ka badan 40% oo ka mid ah culayska jidhkaaga waxaa sameeya muruqyada.

45. Wadnaha qofku waxa uu garaacmaa in ku dhow 100,000 oo jeer halkii maalin.

46. Xawaaraha ay maskaxdaadu ku gudbiso macluumaadka waxaa lagu qiyaasay 268 mile saacaddiiba.

47. Maqaarkaagu waxa uu hoy u yahay in ka badan 1,000 nooc oo bacteria ah.

48. Culayska maqaarkaagu waxa uu ka noqonayaa culayska jidhkaaga oo dhan 15%.

49. Inta badan carruurta yaryari kuma dhashaan ilko, balse waxaa jirta xaalad naadir ah taasoo ah in qaar kamid ah carruurta yaryari ay ku dhashaan ilko, waxaana laga helaa hal qof  2,000 oo kasta oo caruur ah.

50. Gacantaada waxaa ku jira 26 lafood, sidoo kale lugtaaduna waa la mid.

51. Wadnuhu waa muruqa kaliya ee aan daalin.

52. Tirada muruqyada jidhka bani aadamku waxay gaadhaan 650 muruq.

53. Orodku waxa uu u fiican yahay difaaca jidhka. Cilmi baadhis ayaa sheegaysa dadka usbuucii orda inta u dhaxaysa 10 illaa 18 Miles waxay leeyihiin difaac jidh oo awood badan.

54. Kelyuhu waxay u shaqeeyaan sida shaandhada oo kale. Maalintii 300 oo jeer ayay shaandheeyaan dhiigga, waxayna u baahan yihiin biyo badan si ay si wacan ugu shaqeeyaan.

55. Inaad biyo badan cabtaa waxay yaraynaysaa laablaabyada maqaarka.

56. Waxa aad uriso waligaa hilmaami maysid, waxa aad xasuusan kartaa 50,000 oo waxyaabood oo kala duwan urtooda. Waxaana laga yaabaa wax aad yaraantaadi urisay haddii aad iminka uriso in aad hore ka xasuusato.

57. Xubinta jidha ugu dhaqdhaqaaqa badan waa isha, waxa ay dhaqaaq samaysaa in ka badan 100,000 oo jeer maalintii.

58. Ilbidhiqsi kasta jidhkaagu waxa uu soo saaraa 25 million oo unugyo cusub ah.

59. Celcelis ahaan qofku waxa uu maalintii neefsadaa 20,000 oo jeer.

60. Haamaansigu waxa uu inaga caawiyaa in aynu helno Oxygen badan. Badanaa waxa aynu haamaan sannaa marka ay maskaxdu dareento in ay jirto Oxygen yaraan.

8 Comments

Post a Comment
Previous Post Next Post