Kuwani waa laba sheeko oo aad u xiiso badan ayna ku jirto xikmad iyo murti xeel dheer.
* Table of Contents
Cali waxa uu ahaa anaani ah oo damac badan, waxa uu mar waliba ku han weynaa inuu yeesho lacag badan, waxa uuna ahaa bakhayl isaga oo siin jiray shaqaalihiisa mushahar aad u hooseeya.
Hase ahaatee maalin ayaa uu bartay cashar noloshiisa oo dhan badalay.
Maalin ayaa waxa uu waayay boorso yar oo ay ugu jirtay lacag gaadhaysay 50 Shilin oo dahab ah, si kasta oo uu u baadhayna waa uu heli waayay, cali qoskiisi ayaa kusoo biiray oo la raadiyay, balse iyana waxba ma aanay helin.
Maalmo kadib, gabadh yar oo 10 jir ah oo uu dhalay nin u shaqeeya cali ayaa heshay boorsadii waxayna u sheegtay aabaheed.
Aabaheed ayaa aqoonsaday in boorsadu ay tahay middii la waysanaa, waxa uuna go'aan saday in uu u geeyo mudanihiisa cali.
Waxa uuna shadaddii u geeyay mudanihiisi isaga oo u sheegay in uu iska eego inay u dhamays tiran tahay lacagtiisi iyo in kale.
Cali markii uu furay boorsada waxa uu arkay in lacagtiisi oo ahayd 50 shilin oo dahab ahi ay u dhamays tiran tahay, balse waxa uu go'aansaday inuu khiyaameeyo ninkii u keenay shandadda waxa uuna yidhi: "Lacagta iigu jirtay shandaddu waxay ahayd 75 shilin oo dahab ah balse waxaad ii keentay oo kaliya 50 shilin oo dahab ah! , aaway lacagta intii kale? adigaa xaday sow maaha?!".
Ninkii shaqaalaha ahaa waa uu ka naxay inuu maqlay hadalkaas, waxa uuna ku dooday in aanu wax dambi ah lahayn, balse cali ma aanu dhagaysan hadalka hadalkiisa waxa uuna go'aan saday in uu la fuulo maxkamad.
Garsoorihii waxa uu dhagaystay laba dhinacba, waxa uuna waydiiyay gabadhii yarayd iyo aabaheed inta dahab ah ee ku jirtay boorsada markii ay heleen, iyagoo ku jawaabahay inay ahaayeen 50 shilin oo dahab ah.
Sidoo kale cali ayaa uu waydiiyay dahabka ka lumay inta uu ahaa, waxa uu ku jwaabay "Mudane, boorsadayda waxaa ku jiray 75 shilin oo dahab ah ayuu ahaa, waxayna i siiyeen oo kaliya 50 shilin oo dahab ah, wayna iska caddahay inay iga xadeen 25 shilin oo dahab ah".
Kadib garsoorihii ayaa cali ku yidhi "Ma hubtaa in boorsadaada ay ku jireen 75 shilin oo dahab ahi?".
Cali ayaana ku jawaabay "Aad iyo aad".
Garsoorihii ayaana xukunkii ku dhawaaqay oo yidhi: "Maadaama oo ay cali ka luntay boorso ay ku jirtay 75 shilin oo dahab ah, shandadda la helayna ay ku jirtay kaliya 50 shilin oo dahab ah, waxaa iska cad in shandadda la helay aanay ahayn shandaddii cali, waxayna ka luntayqof kale, haddii la helo shandad ay ku jiraan 75 shilin oo dahab ah shaacin doonaa in ay tahay shandaddii cali, waxaan amar ku bixinayaa in gabadha yar iyo aabeheed ay qaataan shandaddaas ay ku jiraan 50ka shilin ee dahabka ah mahad celin aan uga mahad celinayno daacad nimadooda awgeed."
Waqti waqtiyada ka mid ah waxaa jiray nin beeroole ah oo ku nool tuulo, waxa uu lahaa beer wayn waxaana ku yaallay geed tufaax oo aad u da' weyn sidoo kale waxaa beerta ka baxay dhir kale iyo ubaxyo qurux badan.
Markii uu beerooluhu uu ahaa wiil yar waxa uu waqtigiisa inta ugu badan ku bixin jiray inuu ku ciyaaro geedka tufaaxa, maalmahaas geedka tufaaxu waxa uu soo saari jirey tufaaxyo wanaagsan.
Si kastaba ha ahaatee, waqtigii waa uu socday, geedkii tufaaxuna waxa uu noqday mid hawl gab ah oo aan wax midho ah soo saarin.
Hadda beeroolihii wax midho ah kama helayo geedka, waxa uuna aaminay in geedkani aanu wax faa'ido ah lahayn, isagoo go'aan saday in uu jaro geedka uuna u adeegsado alwaaxyadiisa inuu ka sameeyo miisas, kuraas iwm, waxa uuna hilmaamay in uu dhalinyar nimadiisi geedka fuuli jiray uuna cuni jiray midhihiisa.
Geedku waxa uu hoy u ahaa noocyo kala duwan oo xayawaano ah sida shimbiro, daba gaalle iyo noocyo fara badan oo cayayaanno ah.
Markii uu beeroolihii soo qaatay gudintii uuna damcay inuu jaro geedka waxaa kusoo ururay xayawaanadii.
Waxa ay bilaabeen inay u dacwoodaan beeroolaha ayna dhahaan "Fadlan ha jarin geedka, Kani waa gurigeena mana haysanno meel kale oo aanu tagno".
Beeroolihii waa uu ku madax adaygay inuu jaro geedka, waxa uuna kor u qaaday gudintiisi, qaylo ayaana is qabsatay "Fadlan ha jarin geedka, hanaga burburin gurigayaga iyo caruurtayada" waa ayna ooyeen xayawaanadii.
Si kastaba ha ahaatee beeroolihii waa uu hilmaamay dhalinyar nimadiisi iyo xayawaanadii uu saaxiibka la ahaa waxa uuna bilaabay inuu si adag u jaro geedka.
Xayawaanadii waa ay iskala qaybiyeen waxayna doonayeen inay beeroolaha ka difaacaan inuu geedka jaro wax kasta haku qaadatee.
Xayawaanadii waxa ay dheheen, "waa aanu kuu heesaynaa, waxa aanu kuu xannaanayn doonnaa wiilkaaga yar", balse waxyaabahaas oo dhan waxba kamay badalin go'aankiisi ahaa inuu geedka jaro.
Si lama filaan ah ayaa waxa uu u arkay shay dhalaalaya, waa usoo dhawaaday waxa uuna arkay inuu yahay malab, waxa uu kasoo qaatay inyar wuuna dhadhamiyay, dhadhanka malabka ayaana baraarujiyay oo soo xasuusiyay dhalinyar nimadiisi, dhadhanka malabku aad ayuu u macaanaa, aad ayuu u farxay isaga oo dhoola cadaynaya ayuu yidhi, "Malabkani aad ayuu u macaan yahay"
Xayawaanadii markii ay xaqiiqsadeen in beeroolihii uu soo yara dabcay iyagoo jaaniskaa ka faa'idaysa ayaa ay midmid ula hadleen beeroolihii.
Shinnidii ayaa hadalka furtay oo tidhi: "Waxaan kusiin doonaa malab aad u macaan", Shimbirihii ayaa iyana yidhi: "Waanu kuu heesi doonaa in allaale inta aad doonto".
Ugu dambayn, beeroolihii waxa uu garwaaqsaday qaladkiisa, waxa uuna hoos u dhigay gudintiisi, waxa uu fahmay in geedku uu hoy u yahay xayawaanno badan oo isaga faa'ido uleh, waxa uuna rabay inuu wiilkiisu ku noolaadu noloshii uu isagu haystay yaraantiisi.
Waxa tuuray gudintiisi, waxa uu ku yidhi xayawaanadii, "Waxaan idinka ballan qaadayaa in aanan jari doonin geedkan, waan aqoonsaday qaladkaygi, iminka laga bilaabo dhammaantiin waxaad ku noolaan doontaan nabad iyo xasilooni".
Xayawaanadii waa ay u mahad celiyeen shinnidii si kal iyo laab ah. Haddii aanu beerooluhu heleen malabka, iminka waxay ahaan lahaayeen bilaa hoy, noloshoodi ayayna sii wateen.
* Table of Contents
1. Daalimku ma guulaysto abidkii
Hase ahaatee maalin ayaa uu bartay cashar noloshiisa oo dhan badalay.
Maalin ayaa waxa uu waayay boorso yar oo ay ugu jirtay lacag gaadhaysay 50 Shilin oo dahab ah, si kasta oo uu u baadhayna waa uu heli waayay, cali qoskiisi ayaa kusoo biiray oo la raadiyay, balse iyana waxba ma aanay helin.
Maalmo kadib, gabadh yar oo 10 jir ah oo uu dhalay nin u shaqeeya cali ayaa heshay boorsadii waxayna u sheegtay aabaheed.
Aabaheed ayaa aqoonsaday in boorsadu ay tahay middii la waysanaa, waxa uuna go'aan saday in uu u geeyo mudanihiisa cali.
Waxa uuna shadaddii u geeyay mudanihiisi isaga oo u sheegay in uu iska eego inay u dhamays tiran tahay lacagtiisi iyo in kale.
Cali markii uu furay boorsada waxa uu arkay in lacagtiisi oo ahayd 50 shilin oo dahab ahi ay u dhamays tiran tahay, balse waxa uu go'aansaday inuu khiyaameeyo ninkii u keenay shandadda waxa uuna yidhi: "Lacagta iigu jirtay shandaddu waxay ahayd 75 shilin oo dahab ah balse waxaad ii keentay oo kaliya 50 shilin oo dahab ah! , aaway lacagta intii kale? adigaa xaday sow maaha?!".
Ninkii shaqaalaha ahaa waa uu ka naxay inuu maqlay hadalkaas, waxa uuna ku dooday in aanu wax dambi ah lahayn, balse cali ma aanu dhagaysan hadalka hadalkiisa waxa uuna go'aan saday in uu la fuulo maxkamad.
Garsoorihii waxa uu dhagaystay laba dhinacba, waxa uuna waydiiyay gabadhii yarayd iyo aabaheed inta dahab ah ee ku jirtay boorsada markii ay heleen, iyagoo ku jawaabahay inay ahaayeen 50 shilin oo dahab ah.
Sidoo kale cali ayaa uu waydiiyay dahabka ka lumay inta uu ahaa, waxa uu ku jwaabay "Mudane, boorsadayda waxaa ku jiray 75 shilin oo dahab ah ayuu ahaa, waxayna i siiyeen oo kaliya 50 shilin oo dahab ah, wayna iska caddahay inay iga xadeen 25 shilin oo dahab ah".
Kadib garsoorihii ayaa cali ku yidhi "Ma hubtaa in boorsadaada ay ku jireen 75 shilin oo dahab ahi?".
Cali ayaana ku jawaabay "Aad iyo aad".
Garsoorihii ayaana xukunkii ku dhawaaqay oo yidhi: "Maadaama oo ay cali ka luntay boorso ay ku jirtay 75 shilin oo dahab ah, shandadda la helayna ay ku jirtay kaliya 50 shilin oo dahab ah, waxaa iska cad in shandadda la helay aanay ahayn shandaddii cali, waxayna ka luntayqof kale, haddii la helo shandad ay ku jiraan 75 shilin oo dahab ah shaacin doonaa in ay tahay shandaddii cali, waxaan amar ku bixinayaa in gabadha yar iyo aabeheed ay qaataan shandaddaas ay ku jiraan 50ka shilin ee dahabka ah mahad celin aan uga mahad celinayno daacad nimadooda awgeed."
2. Beeroolihii iyo geedkii tufaaxa
Markii uu beerooluhu uu ahaa wiil yar waxa uu waqtigiisa inta ugu badan ku bixin jiray inuu ku ciyaaro geedka tufaaxa, maalmahaas geedka tufaaxu waxa uu soo saari jirey tufaaxyo wanaagsan.
Si kastaba ha ahaatee, waqtigii waa uu socday, geedkii tufaaxuna waxa uu noqday mid hawl gab ah oo aan wax midho ah soo saarin.
Hadda beeroolihii wax midho ah kama helayo geedka, waxa uuna aaminay in geedkani aanu wax faa'ido ah lahayn, isagoo go'aan saday in uu jaro geedka uuna u adeegsado alwaaxyadiisa inuu ka sameeyo miisas, kuraas iwm, waxa uuna hilmaamay in uu dhalinyar nimadiisi geedka fuuli jiray uuna cuni jiray midhihiisa.
Geedku waxa uu hoy u ahaa noocyo kala duwan oo xayawaano ah sida shimbiro, daba gaalle iyo noocyo fara badan oo cayayaanno ah.
Markii uu beeroolihii soo qaatay gudintii uuna damcay inuu jaro geedka waxaa kusoo ururay xayawaanadii.
Waxa ay bilaabeen inay u dacwoodaan beeroolaha ayna dhahaan "Fadlan ha jarin geedka, Kani waa gurigeena mana haysanno meel kale oo aanu tagno".
Beeroolihii waa uu ku madax adaygay inuu jaro geedka, waxa uuna kor u qaaday gudintiisi, qaylo ayaana is qabsatay "Fadlan ha jarin geedka, hanaga burburin gurigayaga iyo caruurtayada" waa ayna ooyeen xayawaanadii.
Si kastaba ha ahaatee beeroolihii waa uu hilmaamay dhalinyar nimadiisi iyo xayawaanadii uu saaxiibka la ahaa waxa uuna bilaabay inuu si adag u jaro geedka.
Xayawaanadii waa ay iskala qaybiyeen waxayna doonayeen inay beeroolaha ka difaacaan inuu geedka jaro wax kasta haku qaadatee.
Xayawaanadii waxa ay dheheen, "waa aanu kuu heesaynaa, waxa aanu kuu xannaanayn doonnaa wiilkaaga yar", balse waxyaabahaas oo dhan waxba kamay badalin go'aankiisi ahaa inuu geedka jaro.
Si lama filaan ah ayaa waxa uu u arkay shay dhalaalaya, waa usoo dhawaaday waxa uuna arkay inuu yahay malab, waxa uu kasoo qaatay inyar wuuna dhadhamiyay, dhadhanka malabka ayaana baraarujiyay oo soo xasuusiyay dhalinyar nimadiisi, dhadhanka malabku aad ayuu u macaanaa, aad ayuu u farxay isaga oo dhoola cadaynaya ayuu yidhi, "Malabkani aad ayuu u macaan yahay"
Xayawaanadii markii ay xaqiiqsadeen in beeroolihii uu soo yara dabcay iyagoo jaaniskaa ka faa'idaysa ayaa ay midmid ula hadleen beeroolihii.
Shinnidii ayaa hadalka furtay oo tidhi: "Waxaan kusiin doonaa malab aad u macaan", Shimbirihii ayaa iyana yidhi: "Waanu kuu heesi doonaa in allaale inta aad doonto".
Ugu dambayn, beeroolihii waxa uu garwaaqsaday qaladkiisa, waxa uuna hoos u dhigay gudintiisi, waxa uu fahmay in geedku uu hoy u yahay xayawaanno badan oo isaga faa'ido uleh, waxa uuna rabay inuu wiilkiisu ku noolaadu noloshii uu isagu haystay yaraantiisi.
Waxa tuuray gudintiisi, waxa uu ku yidhi xayawaanadii, "Waxaan idinka ballan qaadayaa in aanan jari doonin geedkan, waan aqoonsaday qaladkaygi, iminka laga bilaabo dhammaantiin waxaad ku noolaan doontaan nabad iyo xasilooni".
Xayawaanadii waa ay u mahad celiyeen shinnidii si kal iyo laab ah. Haddii aanu beerooluhu heleen malabka, iminka waxay ahaan lahaayeen bilaa hoy, noloshoodi ayayna sii wateen.
Dhammaad.
Tags:
Sheeko