50+ Xikmadood oo laga hayo Malcolm X

Malcolm X ama Malcolm Little waa mid ka mid ah dadka madow ee maraykanka ah,  waxaana uu door muhiim ah ka qaatay faafinta diinta islaamka iyo inuu gaadhsiiyo maraykanka.

Waxa uu dhashay taariikhdu markay ahayd May 19, 1925, waxaana uu dhintay February 21, 1965 isaga oo ay da'diisu tahay 39 jir.


Kuwani waa 52 xikmadood oo xul ah kuwaas oo laga hayo Malcolm X

1. Mustaqbalka waxaa hanta kuwa maanta u dedaala.

2. Niyad jabka koowaad xanuun ayuu leeyahay, inta ka dambaysaana waa casharro.

3. Haddii aanad diyaar u ahayn inaad u dhimato xorriyaddaada darteed, ereyga 'xorriyad' qaamuuskaaga ka masax.

4. Haddii aad wax joojinayso, jooji caajiska, jooji cudurdaar samaynta, jooji sugitaanka xilliga ay wax waliba habboonaanayaan.

5. Noloshu ma fududaanayso ee waa inaad adigu awoodaysataa.

6. Haddii aanad indheer garad ahayn, war baahintu dulmanaha ayay ku nacsiinaysaa, daalimkana way ku jeclaysiinaysaa.

7. Murtiiluhu kaalinta maadeeyaha wuu gali karaa, se maadeeyuhu kaalinta murtiilaha ma gali karo.

8. Mar walba diyaar u ahow wax kaa yaabiya, noloshu waa wada kedisyo, dhan walibana way kaaga iman kartaaye.

9. kalsoonidu waa sida dadka oo kale sannado ayay ku kortaa, ilbidhiqsiyana way ku dhimataa.

10. Tallaabada koowaad ee libintu waa in aad diiddo in aad isu dhiibto duruufta kugu hareeraysan.

11. Wanaagaaga haka dhigin buug furan, waxa jira dad aan xaraf ka mid ah u qalmine.

12. Qofkaasna lama mid ihi, kan kalena kama fiicni, ee waxa aan u noolahay sida ay aniga iila muuqato noloshu.

13. Cudur daarku macno samayn maayo marka uu gefku mar walba soo noqnoqonaayo.

14. Ka dheeraanshaha aad qof ka foogaataa lama macna aha isla weyni ama kala maqnaan uun, ee sidoo kale waa si qadderinta aad isu haysaan u sii waarto.

15. Dadka ula dhaqan hab u dhigma garaadadooda, hana kuu kala soocnaadaan xuduudaha aad u kala dejisay.

16. Waligaa ha quusan, maalin ayuun baad helaysaa waxa aad ku hamminayso'e.

17. Xaqiiqada waxa si dhab ah u dhaadan dhibbaneyaasha oo kaliya.

18. Si ay niyaddaadu u nefisto iska aamus sidii in aanad waxba fahmin oo is mooganaysii sidii in aanad waxba arkayn.

19. Nacaska oo keliya ayaa u oggolaada in cadawgiisu uu wax u baro ubadkiisa.

20. Aqoontu waa dal-kugalkeena aayaha, oo cidda wax barata ayuun baa hanata.

21. Wxa aan filayaa xabsigu in uu yahay halka ugu habboon ee jaamacadda dabadeed uu tago qofka damacsan in uu fekeraa.

22. Ahow nabad doon hufan, qaanuunkana raac, dadkana wada qadderi, ka kugu xad gudbana xabaasha u dir.

23. Libintaa dar baa kugu nacaya, hungawgana qaar ayaa kugu nacaya, ee marlayba is mooganaysii.

24. Awoodda u halganka xorriyadda ayaa ka xooggan awoodda dulmiga iyo kali taliska.

25. In aad is dhiibto adiga oo dulman, dhibaatadana aad ka aamusto, naftaadana difaaci weydo, dambi ayaan u arkaa.

26. haddii aynu koboca maadiga ah iyo akhlaaqda ruuxiga ah midayn lahayn, dhulka janno ayaynu ka dhigi lahayn.

27. Markii ay akhlaaqdii luntay waxa aynu maraynaa heer qofku hadalkii uu subixii lahaa galabkii beeninayo.

28. Hawl kasta oo aynu qabanaba waxa libinteeda iyo hungawgeeda xaddidaya hadba sida aynu xilliga u qadderino.

29. Waa in aynu carruurta ka baranaa in aynaan ka cabsan fashilka.

30. Gabadha reer galbeedku soo jiidashadeeda way waydaa marka ay waydo quruxda jidhka, islaamkuna waxa uu inagu boorrinayaa in aynu eegno quruxda gabadha ee macnawiga ah.

31. Xorriyaddu macne ma samayso haddii aanay addoonnimo iyo maxbuusnimo ka horrayn.

32. Beri hore ayaan ogaaday in aanu xaqiisa helin qofka aamusaa, si aan xaqaaga u heshana waa inaad xoogaa buuq ah dhalisaa.

33. Haddii aad xorriyaddaada cid ka barido waligaa hanan maysid, xorriyaddana waa inaad adigu hanataa.

34. Nabadda iyo xorriyaddu ma kala hadhaan, qofna nabad kuma noolaan karo isaga oo aan xorriyad haysan.

35. Haddii aad aragto qof arrin kaaga fiican ogow in uu sameeyo arrin aanad adigu samaynin.

36. Jidka qudha ee aad xaqiiqada ku gaadhi kartaa waa inaad qirto dambigaaga.

37. Dadku waxa aanay dhaadanayn in kitaab keli ahi uu nolosha adduunka oo dhan beddeli karo (Quraanka).

38. Waaba intaas inta uu kaa doonayo ninka cadi, in aad sarkhaanto oo uu harraati kugu boobo.

39. Ma wada dhaqmi karno qof aan saacad sidan oo waxa aan dareemayaa in aanu waqtiga qadderinayn.

40. Ogow dadkii ugu mudnaa ee adduunkan soo maray in aan la dhaadin illaa la aasay oo ay dhinteen.

41. Ninka cadi inta uu ina indha tiray ayuu imminkana inagu eedaynayaa in aynaan waxba arkayn.

42. Haddii aanay jirin dad ku dhaliilaa ogow in aanad libin hanan

43. Ma jirto raasamaaliyad bilaa cunsuriyad ahi.

44. Haddii aanu jirin wax aad u joogsataa (Muqaddas) wax walba waad ku dhacaysaa.

45. Waddaniyaddu waa in aynaan indhaha ka laaban xaqiiqada, cidda gefaysaa cidda ay doontaba ha ahaato'e.

46. I tus qof raasamaali ah, aniguna waxa aan ku tusayaa dhiigmiirato (Vampire).

47. Maraykanka kuma arko riyo ka soo jeedda ee waxa aan ka arkaa riyo xun oo kaabuus iyo orgobe ah oo kasoo jeedda.

48. Xorriyadda qiimeheedu waa dhimasho.

49. Marmarka qaar waa inaad hub qaaddaa si aad hub kale hoos ugu dhigto.

50. Haddii uu qof kugu xad gudbo, ha u ogolaan mar kale in uu qof kale ku xad gudbo.

51. Wax barasho la'aan, adduunkan meelna kama aadi kartid.

52. Turunturadu ma ahan dhicitaan.



Post a Comment (0)
Previous Post Next Post