50+ Odhaahyo qosol badan oo laga hayo Robert Mugabe

Robert Mugabe waa madax-weynihii hore ee dalka Zimbabwe.

Waxa uu dhashay sannakii 1924, waxa uuna dhintay sannadkii 2019

51 odhaah oo qosol badan oo laga hayo Robert Mugabe

Kuwani waa odhaahyo qosol badan oo xikmadaysan kuwaas oo laga hayo Robert Mugabe.

1. Marwooyin, yaanu idin khiyaamin nin idiisoo qoraya "waan kuu xiisay" kaliya marka uu roob da'ayo, sababtoo ah ma tihid dallaayad.

2. Digniinta kaliya ee ay african-ku dhab u qaataan waa LOW BATTERY!.

3. Haddii aad fool xuntahay micneheedu waa inaad fool xuntahay oo kaliya, jooji inaad ka hadasho quruxda gudaha, sababtoo ah raggu ma sitaan X-Ray ama raajiso, si ay u arkaan quruxda gudaha.

4. Waxaad usoo iibinaysaa hadyad aad u wacan sanadkii u dambeeyay malintii "14 February",  waxayna kugu tidhi: "Ma hayo ereyo igu filan oo aan kuugu mahad celiyo", sidaas darteed sanadkan waa inaad usoo iibisaa qaamuuska ereyada.

5. Haddii aad u malaynaysaan in uu xidhiidhkiinu dhab yahay, kaliya mobilada kala badasha 24 saacadood oo kaliya iyagoo aanu password ku xidhnayn, waxaan hubaa in 99% dadka kamid ahi ay iskaabulo noqon doonaan.

6. Waxaad la sheekaysataa 11 wiil waxaanad ilaahay ka baryaysaa in uu xidhiidhkaaga barakeeyo, fadlan jooji hadalkaas, waxaadna ilaahay waydiisataa in uu barakeeyo teamkaaga.

7. Waxaan ku nacay filimada africanka ah waxay kusoo qorayaan shaashadda 35 sano ayaa kasoo wareegtay, hadana eyga bannaanka ku xidhani intii ayuu le'eg yahay oo halkii ayuu ku xidhan yahay.

8. Guurku waa sida suuliyada oo kale, kuwa ku jiraa waxay rabaan inay kasoo baxaan, kuwa dibadda ka taaganina waxay rabaan inay galaan.

9. Haddii aad umalaynayso in looyaradu ay yihiin kuwa ugu beenta badan, wali lamaad kulmin dawaarlayaasha africa.

10. Way kuu kaxaynayaan xaflad, laakiin kuuma kaxaynayaan waraysi shaqo, kuwaasi waa saaxiibadaada.

11. Haddii aad xaasle tahay aadna aragto inay kusoo jiidanayaan gabdhaha dhigta iskuuladu, kaliya waa inaad xaaskaaga usoo iibisaa darayska iskuulka.

12. Africa waa meesha kaliya ee ay gabadh dhar kasoo amaanaysatay saaxiibteed ay la kulmayso wiil qol ka amaanaystay saaxiibkii.

13. Waxaan ogaaday africa in ay ka wanaagsan tahay yurub marka aan ka waayay gidaar aan kaadi la istaago.

14. Hadaad aragto lamaane african ah oo guriga dibadiisa fadhiya, ha umalayn jacayl ee korontadii ayaa ka tagtay.

15. Hadaad aragto nin xaaskiisa marka uu gaadhiga joojiyo inta uu kasoo dago daqaadda ka furaya, kama aha jacayl ee gaadhiga ayaa cusub ama gabadha ayaa cusub.

16. Marka ay habadhu dhagaysato qalbigeeda in ka badan inta ay dhagaysato caloosheeda, waxay awoodaysaa in kuwo bilaa camal ah oo aan shilin haysan ay la samayso xidhiidh.

17. Haddii la xidho meheradaha lagu iibiyo makeup-ka, caruur badan ayaan aqoonsadeen hooyooyinkood.

18. Inaad gabdho badan xidhiidh la samaysaa waa qaab aad ku khalkhal galinayso cadawgaaga, si aanay gaar ugu bar-tilmaameedsan midda gacalisadaada ah, balse dumarku siyaasaddaas ma fahansana.

19. Waalidka africanku waa kuwa kaliya ee inta ay ku dhangadeeyaan ku weydiinaya sababta aad la ooyayso.

20. Africa waa meesha kaliya ee wiil san-weyni uu gabadh ku odhanayo la'aantaa ma neefsan karo.

21. Inaad fool xun tahay macneheedu maaha inaad iskusoo xidho qolkaaga, soo warwareeg magaalada, laga yaabaa inaad kasoo dhex muuqato filimada khaakha iyo cabsida ahe.

22. Walaashayeey, halkaad xidhiidh kala samayn lahayd nin kirada guriga kaa bixiya, ka waran hadaad toos ula sheekaysato ninka guriga iska leh.

23. Dadka kubadda daawadaa waa kuwo qosol leh, waxaad maqlaysaa mid leh ciyaartoy cusub ayaanu soo siisannay intaas oo milyan, isaga oo aan haysan wax uu ku casheeyaba.

24. Haddii aad taagan tahay aroos walba, walina aanad helin lamaanahaagi, waxba ma dhaantid hoolka arooska lagu dhiganayo.

25. Mid kamid ah faa'idooyinka ugu badan ee laga helo la kulanka saaxiibada aad in badan kala maqnaydeen waa in dharkaagi duuga ahaa ay u eekaanayaan cusayb illeen hore kugumay arki jirine.

26. Gabadha aad u dirto $3 ee isla markiiba hadana kugusoo wacda miskool, guurso waa gabadh taqaana dhaqaalaynta lacagta'e.

27. Dhibaatooyinka africanka waxaa kamid ah; haddii la yidhaahdo qofna dibadda umasoo bixi karo oo waa bandaw, qof waliba waxa uu usoo baxayaa bal si uu usoo eego inay cidi soo baxday.

28. Haddii aad aragto inay dhibaato haysato gabadh, caawi, waxaa hubaal ah in marka xigta ee ay dhibaato qabsato ay kusoo xasuusanayso.

29. Waan iska daayay filimaanta ay matalaan africanku markaan arkay gabadh ninkeeda cuntada ay u karinayso sun ugu daraysa, kadibana dhadhaminaysa bal inuu sun leeyahay iyo in kale.

30. Inaad fool xumaato dhibaatada ay leedahay waxaa kamid ah, haddii mid qurux badan oo ku ag fadhiya ay dhuuso ka fakato, dadka oo dhan adiga ayay dhankaaga soo eegayaan.

31. Haddii aad guursato gabadh saaxiib nagala ah Facebook, dhammantayo waxaad noo wada tahay seeddi.

32. Gabadha dhahda caruurtayda ayaan ka jecelahay ninkaygu been ayay sheegaysaa, sababtoo ah caruurteeda way kaga tagi kartaa gabadha jaarkeeda ah oo maanta oo dhan way ka maqnaan kartaa, balse ninkeeda hal daqiiqo kagama tagi karto gabdha jaarkeeda ah.

33. Dalalka faqiirka ahi waa kuwa heesahooda qaranku ay ugu dhaadheeryihiin, sababtoo ah waxay ku sharraxayaan dhibaatooyinka haysta oo dhan.

34. "Waan jeclahay ninka in ay isu eekaadaan suunkiisa iyo kabihiisu" waxaa sidaa tidhi gabadh aanay isu eekayn wajigeeda iyo jidhkeeda intiisa kale.

35. Gabdhuhu waxay jecelyihiin nimanka shaqeeya, hadana inta uu shaqada ku maqan yahay way ka daba baxaan oo in laga ag fogaado ma doonayaan.

36. Dumarka quruxda badan waa sida khudaar qaydhin ah oo kale, adigu waxaad sugaysaa inta ay bislaanayso, halka mid kale milix ku darsanayo oo uu qaydhinkeeda ku cunayo.

37. Waalidka africanku waa kuwa kaliya ee ku odhanaya qaad weelka aan cuntada ku cunay oo gee jikida misna ku daba soconaya si ay ugasoo farxashaan jikada.

38. "Waan necbahay wiilasha aan baabuurka wadan" waxaa sidaas tidhi gabadh aan xitaa baaskiil wadan.

39. Dhalin yarada dambe ma yaqaanaan siyaasadda lagu maamulo dhowr dumara oo kala duwan, aabayaasheen marka ay xidhiidh sameeyaan ubadkoodu waxay isugu iman jireen uun aaskooda.

40. Shaaha qofka sida ugu dagdaga badan u laaca, waa ka aan lacagta ka bixin.

41. Africanku waa dadka ay gabdhihii dhaadheeraa doonayaan wiilal dhaadheer, gabdhihii gaagaabnaana ay doonayaan wiilal dhaadheer, hadaba waa iga su'aale yaa umaqan wiilashii gaagaabnaa?

42. Gabdhaha gaagaaban ee sawirada galaya iyaga oo kalyaha is haya waxaan leeyahay joojiya, markaan idin arko waxaan idinkusoo xasuustaa bakeeriga shaaha ee dhagta lehe.

43. Africa waa meesha kaliya ee sida aad shaqo u raadinayso ay shaqo raadintu noqonayso shaqadaada.

44. Qof dhiiri galiye ah haddii aad waydiiso "walaal sidee ayaan ku guulaysan karaa" waxa uu ku odhanayaa ugu horrayn hel naftaada, talow walaal, xagaan ku dhuumanayay.

45. Markay africanku lacag yeeshaan waxay caafimaad u aadaan jarmalka, waxay lacagta dhigtaan Switzerland, waxay u dalxiis tagaan Canada, waxay kasoo adeegtaan Dubai, haddii ay dhintaanna waxay doonayaan in lagu aaso dhulkoodi hooyo, africa ma qubuuraa markaa.

46. Qof ayaa inta uu tahriibo maalmo kadib kusoo wacaya oo ku odhanaya "ka waran dalkii iyo deegaankii", oo kaalay ma anigaa markii horeba ka kexeeyay dalkaaga.

47. Afica marka aad joogtid uma baahnid qaylada saacaddu inay ku kiciso, mushkiladahaaga ayaa ku toosinaya oo baraarujin kuugu filane

48. Africa, habeen kasta haddii uu tuug gurigaaga usoo dhaco, jaarkaagu ogaan maayaan, hal habeen haddii aad hal gabadh la timaadana jaarka oo dhan ayaa laga wada ogaanayaa.

49. Walaalkayow ha guursan gabadh carmal ah oo caruur wadata, lama arag ciyaar gool iyo eber ku bilaabata'e.

50. Africa waa meesha kaliya ee inta aad waxbarato oo aad qalin jebiso aad bilaa shaqada ahaanayso ilaa aad ka ilaawayso wixii aad bartayba.

51. Robert Mugabe ayaa la waydiiyay "goorma ayaad maca salaamaynaysaa shacabka Zimbabwe?" iyada oo looga jeedo goormaad xilka ka dagaysaa, waxa uu ku jawaabay oo xagay aadayaan shacabka Zimbabwe.

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post