2 Sheeko Oo Xikmad Badan


1. Sirta Guusha

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wiil yari waydiiyay nin xikmad badnaa oo la odhan jiray "Socrates" weydiin ahayd: "Maxay tahay sirta guushu?".


Socrates si dulqaad ku dheehan yahay ayuu u dhagaystay wiilka yar waydiintiisa wuxuuna usheegay inuu maalinta berri ah ugu yimaado webiga agtiisa si uu jawaabta uhelo.

Maalintii xigtay Socrates ayaa wiilkii yaraa ukexeeyay dhankaa iyo webiga, markii ay galeen webiga; biyihiina ay soo gaadheen qoortooda kii yaraana uu yaaban yahay, waxaa dhacday in ninkii xikmadda badnaa ee "Socrates" uu wiilkii yaraa qoorta qabtay uuna quusiyay biyaha, kadibna wiilkii yaraa wuu haftay waxa uuna dadaal ku bixiyay sidii uu biyaha ugasoo bixi lahaa, laakiin Socrates aad ayuu uxoog badnaa waxaana uu kusii hayay biyihii illaa uu wiilkii yaraa uu taag darreeyay.


Ugu dambayn Socrates biyihii waa uu ka soo saaray wiilkii yaraa waxaana uu qaatay neef dheer, intaas kadib Socrates ayaa wiilkii yaraa weydiiyay "Muxuu ahaa wixii aad ugu raadinta badnayd markii aad biyaha ku jirtay".

Wiilkii yaraa ayaa ku jawaabay "Neef ama Hawo", kadibna Socrates ayaa ku jawaabay "Taas ayaa ah sirta guusha, mana jirto sir kale."


Dulucda sheekada:

Sirta guushu waa inaad leedahay hadaf cad, isla markaasna aad dadaalkaaga ugu badan ku bixiso sidii aad u gaadhi lahayd.


2. Labaatan Dollar ($20)



Maalin ayaa nin aad loo wada yaqaanno isaga oo la hadlaya dadkii kasoo qayb galay khudbadda uu maanta soo jeedinayo waxa uu jeebkiisa kasoo saaray $20 waxaana uu dadkii ku yidhi: "Yaa u baahan lacagtan ah $20", kadibna dhammaan kasoo qayb galayaashii gacanta ayay taageen iyada oo mid kasta oo kamid ahi uu rabo lacagtaas inuu qaato.

Kadibna waa uu duuduubay lacgatii waxa uu weydiiyay haddii wali usii baahan yihiin, laakiise gacmihii sidoodi ayay u taagan yihiin, kadibna waxa uu sameeyay in uu lacgtii ku tuuro dhulka wuu ku joog-joog saday illaa ay lacagtii ka noqotay wasakh ama uskag, kadib ayuu weydiiyay in ay u baahan yihiin iyo in kale, laakiinse sidoodi ayay u taagayeen gacmaha qof iyaga kamid ahina muu dajin gacantiisa.

Kadib waxa uu yidhi: "Marar badan oo nolosheenna ka mida waa aynu kufnaa waxaynuna ku dhacnaa wasakh ama uskag, taasna waxaa uwacan go'aanada aynu qaadanno iyo xaaladaha inaga hor yimaada waxaana aynu dareennaa qiimo la'aan, laakiinse wax micno ah samayn mayso waxyaabaha inagu dhacay iyo waxyaabaha inagu dhici doona, marnaba ma luminaysid qiimahaaga."


Dulucda Sheekada:

Marar badan oo nolosheenna ah waa aynu kufnaa waxaanan ku dhacnaa wasakh ama uskag, taasna waxaa uwacan go'aanada aynu qaadanno iyo xaaladaha inaga hor yimaada waxaana aynu dareennaa qiimo la'aan, laakiinse wax micno ah samayn mayso waxyaabaha inagu dhacay iyo waxyaabaha inagu dhici doona, marnaba ma luminaysid qiimahaaga.





Post a Comment (0)
Previous Post Next Post