Xaqiiqooyin layaab leh oo laga yaabo in aanad ogayn

Kuwani waa 42 xaqiiqo kuwaas oo ay u badan tahay in aanad waligaa maqlin, mid kastaana midka uu ka dambeeyo waa uu ka xiiso iyo xamaasad badan yahay, Aqris Wanaagsan.


1. Marka aad ugu dheertahay waa subixii marka ugu horraysa ee aad hurdada kasoo kacdo.


- Maalintii marka aynu ku soconayno lugaheena ama aynu fadhiisanno waxaa dhacaysa in ay muruqyadeenu is galaan, gaar ahaan labada ruug iyadoo midaas ay u wacan tahay cufis jiidadka dhulku, sidaa lidkeeda marka aynu seexanno waxaa dhacaysa in uu jidhkeenu nasiino galo ayna kala baxaan xubnaheenu taas oo keenaysa marka aynu subixii soo kacdo in ay waxoogaa ka yara dheeraano inteeni.

2. Caafimaadkaaga ayay u fiican tahay in aand seexato albaabkaaga oo xidhan.

- Inaad seexato albaabka oo kuu xidhan waxay kaa ilaalinaysaa qiiqa iyo hawooyinka sunta ah haddiiba uu dab ka kaco guriga intiisa kale.

3. Ma neefsan kartid waxna ma liqi kartid isla hal mar.

- Midan waxaa sabab u ah in cuntada aynu cunayno iyo hawada aynu neefsanayno ay maraan isla hal wado, kadib ayay kala baydhayaan.

4. Dhoola cadaynta beenta ahi dhaawac ayay u gaysanaysaa caafimaadka qofka.

5. Caruurta yaryari ma laha lafta ruuga.

- Waxaa laga yaabaa in aad dhahdo way leeyihiin, laakiinse waxa aad aragtaa laf ma aha ee waa carjaw taas oo laf noqonaysa marka ay koraan.

6. Biyaha kulul si dhaqso ah ayay u barafoobi karaan marka la barbar dhigo biyaha qabow.

7. Muruqa ugu awooda badan jidhka bani aadamku waa carrabka.

8. Qudhaanjadu 8 daqiiqo oo nasiino ah ayay qaadataa 12kii saacadoodba.

9. Magaca ugu caansan adduunka oo idil waa magaca "Muhammad", waana magaca nabigeena ï·º .

10. Baalasha indhaha ee geelu waa saddex waxayna ka ilaalinayaan ciidda saxaraha.

11. Magacyada qaaradaha adduunku xarafka ay ka bilaabmaan isla xarafkaas ayay ku dhamaadaan( Tusaale: Africa, Asia, America, ... )

12. Afartan digrii oo Celsius ahi (40°C) waxa uu udhigmaa afartan digrii oo Fahrenheit ah(40°F).

13. Jukulaatadu waxa ay dili kartaa eyda, maadaama oo ay ka kooban tahay maado loo yaqaano "Theobromine" taas oo saamaynaysa wadnihiisa iyo neerfihiisa.

14. Gabadhu laba jibaar ayay ka ilbidhiqsi badan tahay ninka, taasi waxay la micno tahay marka uu ninku isha bilig ka siiyo hal mar gabadhu waxay samaynaysaa laba jeer.

15. Ma awoodid inaad naftaada goyso adiga oo naqaska isku xidhaya.

16. Suurto gal ma aha inaad carabkaaga taabsiiso suxulkaaga.

17. Marka aad hindhisto waxaad dhahdaa "Alxamdulilaah" sababtoo ah wadnahaagu waxa uu istaagaa muddo le'eg millisecond ( 1millisecond= 1second ÷ 1000).

18. Suurto gal uma aha doofaarku inuu eego cirka, sababtoo ah qaab abuurkiisu uma samaysna midaas.

19. Haddii aad u hindhisto si awood leh waxaa macquul ah in feedh ay ku dilaacdo, haddiise aad isku daydo inaad isku celiso hindhisada waxaa suurto gal ah in xididada dhiiga qaada kuwaas oo madaxa maraa ay ku dilaacaan ama in qoorto ku dilaacdo ama in aad dhimato.

20. Haddii aad isku dhufato tirooyinkan waxaa kusoo baxaysa jawaabtan
( 111,111,111 × 111,111,111 = 12,345,678,987,654,321 ) waa cajiib.

21. Cuntada keliya ee aan qudhmin haddii meel la dhigo oo aan waxba lagu darin waa "Malabka".

22. Yaxaasku carrabkiisa umasoo saari karo dibaada.

23. Balanbaalistu waxa ay dhadhanka ku dareentaa lugaheeda.

24. Maroodigu waa xayawaanka kaliya ee aan boodi karin.

25. Celcelis ahaan dadku waxay ka baqaan caarada in ka badan inta ay ka cabsadaan geerida ama dhimashada.

26. Kursiga korantada waxaa ikhtiraacay dakhtar ilkeed.

27. Inaad xidhnaato headphones🎧  waxay kordhinaysaa bacteriyada ku jirta dhegtaada 700 oo jeer.

28. Leetarta sigaarka waxaa lasoo saaray qarafka ama kabriidka ka hor.

29. Sida ay dadku ugu kala duwan yihiin xariiqaha faraha isla sidaas oo kale ayay ugu kala duwan yihiin xariiqa carrabka.

30. boqolkii 99% oo kamid ah dadka akhriyaya qormadan waxay isku dayayaan inay suxulka taabsiiyaan carrabkooda.

31. Celcelis ahaan 6 bilood oo cimrigiisa kamid ah ayuu qofku ku bixiyaa sugitaanka uu sugayo iftiinka cas ee ishaaradu inuu isu badalo cagaar.

32. Wad maqli kartaa wadna garaaca nibiriga buluuga ah adigoo ujira fogaan dhan 2 Mayl (2Miles).

- Nibiriga buluug ahi waa xayawaanka ugu wayn ee meerahan dhulka, culayskiisu waxa uu gaadhaa 150 tan (150 Tons = 150,000 KG), dhererkiisana waxaa lagu cabiraa 90 fiit (90 Feet = 27 Meters), dabcan waad qiyaasi kartaa in xayawaanka sidan u wayni uu leeyahay wadne aad uweyn waxaana lagu qiyaasaa culayska wadnahiisa 560 KG, waxaana uu garaacmaa daqiiqadiiba 10 mar oo kaliya.

33. Yaxaasku waa nooca xayawaan ee ugu waqtiga dheeraa kaas oo aan dabar go'in, waxaana uu jiray 200 Million oo sano.

34. Xaraf "Z" waxaa laga saaray xarfaha luuqadda ingiriisiga.

- Muddo 200 oo sano ayaanu xarafka "Z" ku jirin xarfaha ingiriisiga waxaana ka saaray qoraa Roman ah taariikhdu markay ahayd 300 BC, sababtuna waxay ahayd adeegsigiisa oo yar darteed, waxaana lagu badalay xarafka "S", balse 200 oo sano kadib ayaa dib loosoo celisayay xarafka "Z" waxaana lagu daray dhammaadka xarfaha ingiriisiga.

35. Hindhisada waa lagu kala duwan yahay.

- Dadku waa ay ku kala duwan yihiin hindhisada waxaana ay ku xidhantahay luuqadda ay ku hadlaan, Tusaale ahaan: Dadka ku hadla ingiriisigu waxay dhahaan "achoo", dadka ku hadla luuqadda faransiiskuna waxay dhahaan "atchoum", dadka ku hadla luuqadda jarmalkuna waxay dhahaan "hatischi", halka jabaaniiskuna ay dhahaan "hakshun".

36. Bisaddu 32 muruq ayay dhagta ku leedahay.

37. Goosha (Libaaxa dhedig) ayaa ku badan dhanka ugaadhsiga marka la barbar dhigo aarka (libaaxa lab).

38. Tirada qudhaanjadu waxay million jibaar ka badan tahay tirada dadka.

- Qiyaastii tirada qudhaanjadu waxa ay ka badan tahay tirada dadka million jeer, iyadoo tirada dadka adduunka ku nool lagu qiyaasay 7.4 Billion oo qof, halka tirada qudhaanjaduna ay tahay 10,000 Trillion oo qudhaanjo ah.

39. Maroodiyadu way aasaan kuwooda dhinta.

- Maroodiyadu waxay kamid yihiin xayawaanada faro ku tiriska ah kuwaas oo aasa ama duuga kuwooda dhinta, waa ayna ka murugoodaan waana ay ooyaan waxaana ay usameeyaan qabri caleemo ayayna dusha kaa saaraan.

40. Fiid meertu waa naaslayda (xayawaanka ilmihiisa caano siiya) kaliya ee duusha.

41. Ma jiraan laba shabeel oo isku liidimo ah.

- Sida ay dadku ugu kala duwan yihiin faraha, isla sidaas ayay shabeeladuna ugu kala duwan yihiin liidimaha ku sawiran maqaarkooda.

42. Sambabkaaga bidix waa uu ka yar yahay sambaabkaaga midig.

- waxaa laga yaabaa in aanad ogayn in sambabkaaga bidix uu ka yaryahay ka midig, sababtuna waa si wadnuhu boos u helo kaasoo ku dhinac yaalla sambabkaaga bidix



Post a Comment (0)
Previous Post Next Post