1. Haddii uu qofku aad u qosol badan yahay, xitaa uu ku qoslo waxyaabaha doqonimada ah, waa qof gudaha daacad ka ah.
2. Haddii uu qofku aad u hurdo badan yahay, waa uu murugaysan yahay.
3. Haddii uu qofku hadlo, balse uu uhadlo si degdeg ah, waxa uu qarinayaa sir.
4. Qofka aan ooyi karin, waa qof daciif ah.
5. Haddii uu qofku si caadiya wax u cunin, waa qof aa degenayn.
6. Haddii uu qofku ka ooyo waxyaabaha yaryar, waa qof aan waxba galabsan oo qalbi nadiifa leh.
7. Haddii uu qofku ka xaanaaqo waxyaabaha yaryar, waxa uu ubaahan yahay jacayl.
8. Cuntada uu qof kale kuu diyaariyay waa ay ka dhadhan macaan tahay cuntada aad adigu diyaarsatay.
9. Marka uu qofku wax ku qoslo waxa uu eegaa qofka uu ka aaminsan yahay inuu yahay qofka ugu dhow isaga.
10. dadka ay da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 33, waa dadka adduunka ugu badan ee uu iskubuuqu haleelo.
11. Dadku aad ayay uga helaan inay qof eedeeyaan haddiiba ay haleesho xaalada aan wanaagsanayn.
12. Xidhiidh kasta oo ku bilaabma da'da udhaxaysa 16 ilaa 28 waxay u badan inuu noqdo mid awood badan oo muddo badan sii jira.
13. Dadka beenta sida loo sheego ku xeel dheeri, waa kuwa ugu fahmi og beenta ay dadka kale sheegayaan.
14. In ay kugu hareeraysan yihiin dad dhanka wanaagsan wax ka eega oo farxad haysta waxay kaa dhigaysaa mid faraxsan.
15. Qofka maskaxdiisu waxay sii shaqaysaa 7 daqiiqo dhimashadiisa kadib, waqtigaasna xasuusihiisi hore ayuu u arkayaa sida riyada oo kale.
16. ilmadu waxay sheegaysaa sababta uu qofku u ooyayo, haddii ay ilinta 1aad ka timaado isha midig qofkaasi waxa uu la ooyayaa farxad, haddiise ay ka timaato isha bidix qofkaasi waxa uu la ooyayaa dhibaato iyo xanuun.
17. Haddii aad samayso qorshaha "B" waxay u badan tahay in qorshaha "A" aanu shaqaynin.
18. In aad wax dhadhamiso waxay kaa dhigaysaa in aad waxaas si wacan u xasuusnaato.
19. Inaad oydo waxay leedahay faa'idooyin kuwaas oo ah in aad dareento farxad iyo inay kaa yarayso iskubuuqa, jidhkaaga caafimaadkiisana waxay ka dhigaysaa mid wacan.
20. Dadka qaarkood ayaa ka cabsada in ay dareemaan farxad aad u badan, taasna waxaa sabab u ah in ay ka baqayaan in wax naxdin leh uu ku dhaco farxadaas dabadeed.
21. Xanuunka aad dareento marka lagu diido maskaxdaadu waxay u dareentaa sida in jidhkaaga lagu dhuftay wax xanuun leh oo kale.
22. Dadka faransiisku waa dadka ugu iskubuuqa badan adduunka, shantii qof ee meel taaganba hal qof oo kamid ah ayuu hayaa iskubuuqu.
23. Inaad dareento inaad qof jeceshahay waa falgalka kiimikeed ee maskaxda, ma ahan qalbiga.
24. Qofka ugu dambeeya ee maskaxdaada kusoo dhaca marka aad sii seexanayso, waxa uu sabab u yahay farxadaada ama waxa uu sabab u yahay murugadaada.
25. Dadka waqti badan ku qaata qoraxdu waxay u badan tahay in ay farxad dareemaan.
26. Iskubuuqu waa natiijada fikirka xad dhaafka ah iyo inaad abuurto dhibaatooyin aan jirin markii hore.
27. Dadka bilaa kalsoonida ahi 80% waxay u badan yihiin in ay dadka kale dhaleeceeyaan oo ay hoos u dhigaan si ay naftooda uga dhigaan mid dareenta farxad.
28. Qofku marka uu runta sheegayo dhaqdhaqaaq badan ayuu gacmihiisa ka sameeyaa, halka qofka beenta sheegaya gacmihiisu aanay wax dhaqaaq ah lahayn.
29. Dadku 97% magacooda ayay qoraan marka la siiyo qalin cusub.
30. Mar kasta oo uu bato waqtiga aad ag ku bixinayso dadka kale waa mar kasta oo ay badan tahay farxadaadu.
31. Inaad dadka kale la qaybsato farxadooda waxay kaa dhigaysaa mid faraxsan.
32. Si kasta oo aad isugu daydo lagama yaabo inaad xasuusato sida ay riyadaadu ku bilaabmatay.
33. Haddii aad ku dhawaaqdo hadafyadaada waxay u badan tahay in aanad ku guulaysan.
34. Cabsidu waa dareen wacan haddii aanad xaalad xun ku jirin, taasina waa sababta dadka qaar ay u jecelyihiin daawashada filimada cabsida ah.
35. Wax kasta oo ay maskaxdaadu ku fakarto fal celin lamida ah ayaa ka timaada unugyada jidhka.
36. Sida aad u labisato waxay ka turjumaysaa xaaladda nafeed ee aad ku jirto.
37. Haamaansiga waa lakala qaadaa.
- Waxaa laga yaabaa inaad marar badan aragtay qof kaa daba haamaansanaya, midaas waxa uu psycology-gu ku sheegay in uu qofkaasi indhaha kugu hayay oo ku eegayay.
Xaqiiqooyin Guud:
38. Caruurta yaryar ee 6 bilood ka hooseeyaa ma quusaan biyaha, taa badalkeedana waa ay dul sabeeyaan.
- Midaasna uma sabab aha kaliya miisaankooda oo fudud, sidoo kale waxaa u sabab ah jidhkooda oo leh ama subag aad u badan taas oo u sahlaysa in ay biyaha dul sabeeyaan.
39. Mindida aan afka badnayn ayaa ka halis badan mindida afka badan.
- Sababtuna waa in mindida aan afka badanayni ay u baahan tahay cadaadis badan si aad wax ugu jarto, waxaana macquul ah inaad la waydo wixii aad ku jaraysay taasina ay keento in uu cadaadiskii gacantaada ku dhaco oo ay si xun kuu jarto ileen awood ayaad isticmaashaye, taa badalkeeda mindida afka badan marka aad adeegsanayso waxa aad u adeegsanaysaa si degan kaagamana baahna inaad cadaadis saarto si aad wax ugu jarto, taasina waxay keenaysaa in aanay si fudud ku jarin, haddii ay ku jartana dhaawac wayn kumasoo gaadhsiinayso.
40. Biyuhu dabka way sii kordhiyaan.
- Dabku marka uu aad u badan yahay biyuhu ma baqtiinayaan, taa badalkeeda waa ay sii hurinayaan, sababtuna waa hawada "Oxygen" taas oo ku jirta biyaha sababtana in uu dabkii sii bato, biyaha badalkoodana waa la adeegsadaa hawada "Carbon" taas oo si wacan u damisa dabka, had iyo jeerna waxaa adeegsada dab-demiska
41. Waa muhiim inaad dhamaysato dawoowyinka "antibiotics".
- Haddii aanad dhamaysan dawooyinka jeermis dilayaasha ah ee "antibiotics", waxaa dhacaysa ee bacteria-da aan dhimanin ee jidhkaaga ku jirtaa ay samaysato difaac adag ayna noqoto mid aanay dawooyinku waxba ka taraynin, taasina waxay adkaynaysaa in la dilo mustaqbalka.
42. Haamaansiga waa lakala qaadaa.
- Waxaa laga yaabaa inaad marar badan aragtay qof kaa daba haamaansanaya, midaas waxa uu psycology-gu ku sheegay in uu qofkaasi indhaha kugu hayay oo ku eegayay.
43. Tufaaxu waxa uu ku xumaan karaa 10 bilood.
- Haddii tufaax geedka kasoo jarto kadibna aad dhigto meel cimiladeedu ay wanaagsan tahay xumaan maayo waxaana uu jirayaa muddo dhan 10 bilood, mudadaas kadib ayuu bilaamayaa inuu xumaado.
44. Waa sharci darro in la iibiyo sawirada habeenkii laga qaado "Eiffil Tower" ama taawarka baariis.
- Waa caadi inaad maalintii sawirro ka qaado taawarka baariis, laakiinse waa shari darro inaad iibiso sawirrada aad habeenkii ka qaado, sababtoo ah habeenkii waxaa kasoo muuqda kasoo muuqda xuquuqda nashqadeeyihii sameeyay, sidaas daraadeed xuquuqda sawirka waxaa ilaaliyay sharciga dawladda faransiiska.
Keywords: xaqiiqooyin , xaqiiqooyin cajiib ah , xaqiiqooyin cilmi nafsi ah , cilmi nafsi , mr dayib , dayib , xaqiiqooyin yaab leh