75 Xaqiiqo oo aanad ka ogayn dalalka caalamka

 Kuwani waa xaqiiqooyin yaab badan kuwaas oo laga yaabo in aanad ka ogayn dalalka kala duwan ee caalamka, mid kastaana waa uu ka xiiso iyo xamaasad badan yahay midka uu ka dambeeyo.

1. Nigeria waa dal ay dagan yihiin dad kala jinsiyad duwan, waxaana lagaga hadlaa in ka badan 520 luuqadood oo kala duwan.

2. Britain waa dalka kaliya ee aan lahayn dastuur qoran.

3. Magaca dalka Sudan Carabi ahaan micnihiisu waxa uu noqonayaa "Dhulka Dadka Madaw".

4. Calanka dalka USA waxaa la badalay 13 jeer.

5. Dalka Brazil waxa uu xad la wadaagaa dhammaan dalalka qaaradda South America marka laga reebo labada dal ee kala ah Chile iyo Ecuador.

6. In ka badan 2,100 qalcadood ayaa ku yaalla dalka Germany.

7. Iran waxay xad la wadaagtaa 10 dal oo ay kamid yihiin Iran, Kuwait, Oman, Pakistan.

8. Magaalada Istanbul ee ku taalla dalka Turkey waa magaalada kaliya ee dhacda laba qaaradood, 3% waxay kamid tahay Europe, halka 97% ay kamid tahay Asia.

9. Bangladesh waa dalka uu ku yaallo webiga ugu weyn adduunka.

10. Russia waa dalka ugu badan ee ay ka jirto kala duwanaanta waqtigu, waxaana ka jira 9 waqti oo kala duwan.

11. Saudi Arabia waa dalka ugu wayn ee aan lahayn wax webiyo ah.

12  Dalka Argentina waxaa kuwada yaalla meesha ugu hoosaysa iyo meesha ugu sarraysa qaaradda South America.

13. Canada waa dalka ugu xeebta dheer adduunka, waxaana ay gaadhaa dhererka xeebtiisu 125,000 Miles.

14. Waxaa ku taalla dalka Senegal taallada ugu dheer qaaradda Africa.

15. Cameroon waa mid kamida labada dal ee kaliya kuwaas oo laga helo raha ugu wayn adduunka.
16. Dawada cadayga markii ugu horraysay waxaa soo saaray dalka Egypt

16. Dalka Burundi waxaa laga helaa harada labaad ee ugu wayn harooyinka laga helo biyo macaan ee adduunka.

17. Benin waa dalka ay ku noolyihiin libaaxyada ugu badan galbeedka Africa.

18. Harada ugu wayn ee bani aadam sameeyay waxay ku taallaa dalka Zambia.

19. Hudheelka ugu qadiimisan adduunku waxa uu ku yaallaa dalka Spain.

20. Dhismaha ugu culus adduunku waxa uu dhacaa dalka Romania.

21. Laba gobol oo kamid ah dalka Norway ayaa waxa ay arkaan qorraxda 6 bilood oo kaliya sannadkii.

22. Italy waa dalka ay ku yaallaan meelaha ugu badan ee ay aqoonsan tahay UNESCO.

23. Dalka Estonia waxa uu leeyahay wax ka badan hal caasimad.

24. Bakhaarka ugu wayn ee lagu iibiyo buugtu waxa uu ku yaallaa dalka Portugal.

25. Dalka haysta Internetka ugu xawaaraha dheeri waa South Korea.

26. Kazakhstan waa dalka ugu wayn dalalka adduunka ee aan badda lahayn.

27. Dalka Kenya waxaa dagan 70 qabiil oo ku hadla 30 lahjadood oo kala duwan, waxaana saddex kuwaas oo kala ah : Bantu, Nilotic iyo Cushittes.

28. Labada wadan ee laga adeegsan cabitaanka Coca Cola waa North Korea iyo Cuba.

29. Dalka Sudan waxaa ku yallaa ahraamta ugu badan adduunka.

30. France waa dalka ugu badan ee loo dalxiis tago, waxaana sannadkii booqda 89 Million oo qof.

31. Nile waa webiga ugu dheer adduunka, dhererkiisu waxa uu gaadhayaa 6,853 KM, waxaana uu maraa 11 dal oo kala duwan.

32. Calanka ugu midabada badan calamada dalalka adduunku waa calanka dalka belize, waxaana uu leeyahay 12 midab.

33. Dalka Egypt waqtiyadii hore magaca bisadda waxay u yaqaaneen "Meow" ama "Mew" oo somali ahaan noqonaysa "miyow".

34. Russia waa dalka ugu kaymaha badan adduunka, bedka ay kaymihiisu ku fadhiyaan waa 815 Million Hectares.

35. China waa dalka ugu dadka badan adduunka, waxaana ku nool dad tiradoodu gaadhayso 1.4 Billion oo qof.

36. Haddii aad damacdo inaad lug ku marto gidaarka wayn ee China waxay kugu qaadanaysaa 18 bilood si aad u gaadho dhinaca kale, dhererka gidaarkaasina waxa uu gaadhayaa 5,000 Miles.

37. Harada ugu qotoda dheer harooyinka adduunka ee biyaha macaan leh waa harada "Baikal" taas oo ku taalla dalka Serbia, waxaana ay qotodeedu gaadhaa 1,620 Meters.

38. Tirada garoon ee ugu badan kuwaas oo lagu ciyaaro ciyaarta "Cricket" waxay ay ku yaallaan dalka India, tiradooduna waa 52 garoon.

39. Niger waa dalka ay kunool yihiin dhalinyarada ugu badan adduunka, kala badh dadka dalkaas da'adoodu waa 14 jir iyo wax ka hooseeya.

40. Canada waa dalka ugu harooyin badan adduunka, 60% kamida harooyinka adduunka ayaa laga helaa dalkaas.

41. Dalka ugu dadka yar adduunku waa greenland, arinta yaabka leh waa in 10 km oo isku wareega ah waxaa ku nool kaliya 2 qof.

42. Dagaalkii la magac baxay Anglo-Zanzibar waxaa uu ahaa dagaalkii ugu mudada yaraa, kaliya waxa uu socday 38 daqiiqo.

43. Celcelis ahaan dadka adeegsada Internetku waa 5 billion oo qof.

44. Dalka Peru waxaa laga helaa bacaadka ugu dheer adduunka, dhererkeeduna waxa uu gaadhaa 1,176 Meters.

45. Dalka Guatemala waxaa laga helaa dhaxalkii ugu horeeyay ee ay UNESCO aqoonsato.

46. Ecuador waa dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada xuquuqda dabeecadda.

47. Bolivia waa dalka laga helo milixda ugu badan, waxaana dabooshaa dhul bedkiisu uu yahay 10,582 sq km.

48. Chad waa lagu naanaysaa "Wadnaha dhintay ee Africa", sababtuna waa udhawaanshaha uu udhawyahay saxaraha, waana dalka 5aad ee ugu wayn qaaradda africa.

49. Ivory Cost waa dalka ugu wayn kaas oo soo saara midaha kookaha, waxaana uu caan ku yahay jukulaatada.

50. Dalka Iran waxa uu lahaa 27 caasimadood, caasimada 28aadna waa Tehran.

51. Ragga kunool dalka Netherlands waa kuwa ugu dhaadheer dadka adduunka, celceliska dhererkooduna waxa uu gaadhaa 1.8 Meter ama 180 cm.

52. Dalka Peru waxaa kunool 3,700 oo nooc oo balanbaalis ah, taasoo ah 20% kamida noocyada balaanbaalista ee la yaqaanno.

53. Dalka Ethiopia waxa uu tirsiga caadiga ah ee sanadlaha ka dambeeya 7 sano, taasina waxay lamicno tahay in hadda ay ku jiraan 2015, halka dalalka kale ay ku jiraan 2022.

54. Magaalada ugu wayn adduun bed ahaan waa "Nagqu", xataa waxay ka wayn tahay dalka Sweden oo dhan,  waxaana ay ku taallaa dalka China.

55. Dadka ku nool Australia waa 26.6 million, waxay ka dad yartahay magaalada Tokyo taas oo ay ku nool yihiin 38.14 million.

56. New Zealand waa dalkii ugu horreeyay ee gabadha xaq usiiyay inay codayn karto.

57. Iceland waa dal aan wax ciidamo ah lahayn, waxaana loo aqoonsaday dalka ugu amniga badan adduunka.

58. Dalka Russia waxaa ku yaalla in ka badan 13,000 oo tuulo kuwaas oo aan ladaganayn.



59. Biyaha macaan ee adduunka 90% kamid ah waxaa laga helaa qaaradda wada barafka ah ee Antarctica.

60. Saddex meelood marka loo qaybiyo madaarada adduunku waxay ku yaallaan dalka USA.

61. Switzerland waxaa laga cunaa jukulaatada ugu badan, waxaana lagu qiyaasay in qof kastaaba cuno 10 Kiile sanadkiiba.

62. Dalka Brazil waxa uu daboolay 50% kamid ah qaaradda South America.

63. Dalka japan waxaad ka helaysaa xabxab u samaysan qaab afar gees ah.

64. Manoco waa dalka labaad ee ugu yar adduunka, waxaana uu bedkiisu gaadhayaa 2 km.

65. Suriname waa dalka ugu badan ee kaymo dabooleen dhulkiisa, waxaana ay kaymuhu ka noqonayaan bedkiisa guud 94.6%.

66. Dalka Bangladesh waa uu ka dad badan yahay dalka Russia oo 115 Jibaar ka wayn isaga.

67. Dalka Iceland wax ka kaneeco ahi kuma noola, xataa hal kaneeco ma joogto.

68. Dalka Nauru waa dal aan lahayn wax caasimad ah.

69. Dalka Sri Lanka waxa uu leeyahay laba caasimadood oo kala ah: Colombo iyo Sri Jayawardenepura Kotte.

70. Dalka South Africa waxa uu leeyahay saddex caasimadood oo kala ah: Cape Town, Pretoria iyo Bloemfontein.

71. Ma jiro dal uu magiciisu ka bilaabmo xarafka W.

72. Kiribati waa wadanka kaliya ee dhaca dhammaan afarta waaxood ee adduunka; bari, galbeed, waqooyin, koonfur.

73. Libya waa dalka ugu wayn ee bedkiisa inta ugu badani uu saxare yahay, 99% oo bedkiisa kamid ah ayaa saxare ah.

74. Russia waxa uu soo saaraa Oxygen badan marka la barbar dhigo dalalka kale ee caalamka.

75. Saddex meelood marka loo qaybiyo lo'da adduunka qayb kamid ah ayaa kunool dalka India, tiradooduna waxay gaadhaysaa 330 Million.

Keywords: xaqiiqooyin cajiib ah , xaqiiqooyin ku saabsan dalalka caalamka , xaqiiqooyin ku saabsan wadamada adduunka , xaqiiqooyin , xaqiiqooyin yaab badan , xaqiiqooyin aanad maqlin , xaqiiqooyin kaa dahsoonaa , mr dayib , dayib

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post