3 Sheeko oo xikmadaysan aadna ka heli doonto

Kuwani waa saddex sheeko oo aad cajiib ah oo aan filayo inaad ka heli doonto, waxayna xambaarsan yihiin micno wayn iyo xikmad cajiib ah.

1. Falcelintaada ayaa ka muhiimsan waxa kugu dhacaya



Waqti waqtiyada kamid ah inan ayaa aabaheed uga cabatay nolosheeda oo ahayd mid aanay wax farxad ah ku haysanin, waa ayna garan wayday wax ay samayso iyo siday uga bixi lahayd dhibaatadan, waxay isku dayday inay halganto oo ay nolosha iska dhiciso, laakiinse marka ay dhibaato xallisaba mid kale ayaa bilaabanaysa.

Kadib aabaheed ayaa jikada u kexeeyay, kadibna waxa uu biyo ka buuxiyay saddex digsi waxaana uu saaray dabka.

Markii ay bihiyii saddexda digsi ay bilaabeen inay karkaraan waxa uu digsigii 1aad ku riday baradho, digsigii 2aad isna waxa uu ku riday beed ama ukun, halka digsigii 3aad uu ku riday midhaha kafeega, waa uuna sugay inta ay ka karayaan, isaga oo aan wax erey ah odhanin.

Inantiisi waa ay ku daashay arintan iyada oo layaabanayd waxa uu aabaheed samaynayo, balse waa ay iska sugtay.

Markii ay kareen dhammaantood 20 daqiiqo kadib ayaa uu dabkii ka qaaday, kadib waxa uu soo saaray baradhadii waxa uuna ku riday saxan, sidoo kale beedkiina saxan ayuu ku riday, waxa kale oo uu kafeegii ku shubay koob.

Kadib inantiisi ayaa uu la hadlay waxa uuna ku yidhi maxaad aragtaa?

Sida itada umuuqatay waxay ku jawaabtay; waxaan arkaa baradho, beed iyo kafee.

Waxa uu ku yidhi bal si wacan ugu fiirso oo taabo baradhada, waa ayna taabatay waxayna tidhi way jilicday.

Kadibna waxa uu ku yidhi beedka soo qaad oo galka ka saar, markay ka saartay waxay aragtay qayb cad oo adag.

Ugu dambayn waxa uu usheegay inay kabbato kafeega, waxayna tidhi aad ayuu u udgoon yahay.

Kadibna aabaheed ayay waydiisay: "aabo waxan oo dhan maxaad ula jeeday".

Aabaheed ayaa ugu jawaabay: baradhada, beedka iyo kafeega mid kastaaba waxa uu la kulmay caqabad isku mid ah oo ah biyaha kulul, si kastaba ha ahaatee siyaabo kala duwan ayay ula dhaqmeen.

Baradhadu waxay ahayd mid adag oo awood badan, hase ahaatee markii la karkariyay waxay noqotay mid jilicsan oo daciif ah.

Beedkuna waxa uu ahaa mid jilicsan oo jabi og, waxaana ku dahaadhnaa lakab qara yar kaas oo ilaalinayay dareeraha gudaha ku jira, balse markii la karkariyay gudihiisi waxa uu noday mid adag.

Si kastaba ha ahaatee kafeegu waa ka duwanaa labadoodaba, markii biyaha karkaraya lagu riday waxa uu badalay gabi ahaanba biyihii, isaga soo saaray wax cusub.

Hadaba midkee ayaad tahay? ayuu waydiiyay inantiisi, marka ay dhibaato kugusoo gargaraacdo albaabka sidee ayaad uga fal celinaysaa? ma waxaad tahay baradho, mise beed, mise kafee?.


Dulucda sheekada:

Caqabad kasta oo noloshaada ka hortimaada waxay doontaba ha ahaatee waxaa muhiim ah inaad udhabar adaygto oo aad fursad ubadasho.


2. Inta aanad hadlin ka fikir.



Waxay ahayd maalin ay cadceed badani jirto, lakiinse cimiladu way iska wanaagsanayd, qof kastaana waxa uu ku sugnaa wadada tareenka isaga oo sugaya tareenka.

Dadka waxaa ka mid ahaa koox dhalinyaro asxaab ah kuwaas fasax wayn galay rabayna inay soo dalxiisaan.

Waxay ahayd bosteejo saxmad badan oo laga helayo adeegyo kala duwan sida dukaan iibiya joornaalada, hudheelo, meel internetka lagu adeegsado.

Waxyar kadib dhalinyaradii ayaa dhawaaq dheer ku qaylisay si ay usoo dhaweeyaan tareenkii oo soo socda, tareenkii markii uu istaagay kadib waa ay ku yaaceen si ay ufadhiistaan boosas wanaagsan inta aanay dadka kale soo korin tareenka.

Kadib dadkii kalena waa ay soo koreen tareenkiina waxa uu ku dhawyahay inuu dhaqaaqo.

Kadib Aabe da' ah iyo will 15 jir ah oo uu dhalay ayaa soo ordayay si ay usoo gaadhaan tareenka, markii ay soo gaadheen tareenka waxa ay ag fadhiisteen dhalinyaradii kursi ku xigay.

Wiilkii yaraa waa uu layaabanaa wax kasta oo uu arkayo, waxaana uu aabihii ku yidhi: aabe tareenku waa uu soconayaa lakiinse waxyaabaha kale dibdib ayay usoconayaan.

Aabihii ayaa dhoola cadeeyay madaxa ayuuna ruxay.

Kadib tareenkii ayaa xoog usocday oo xawaarihii kordhiyay, wiilkii yaraa ayaana qayliyay oo yidhi: aabe geeduhu waa cagaar si xawli ah ayayna dibdib ugu soconayaan, aabihii ayaa yidhi: haa aabe, wuuna dhoola cadeeyay.

Kadibna sida caruurta oo kale wiilkii yaraa waa uu iska daawanay wax kasta, iyada oo uu aad ula yaabayay wax kasta oo uu arko.

Intaas kadib ninka khudaarta ku dhex iibiya tareenka ayaa soo ag maray wiilkii yaraa iyo aabihii, wiilkii yaraa ayaana aabihii waydiiyay: aabe waxaan rabaa tufaax.

Aabihii ayaa u iibiyay tufaax, wiilkii yaraana waxa uu yidhi: wow, tufaaxa muuqaalkiisa quruxda badana ayaa ka wanaagsan cunistiisa, waa ka helay midabkan.

Kooxdii dhalinyarada ahaydna maanta oo dhan waa ay daawanayeen dhaqdhaqaaqa uu samaynayo wiilka yari, waxaana ay aabihii waydiiyeen: wiilkaaga ma dhibaato ayaa haysata, muxuu ugu dhaqmayaa si ka duwan sida caadiga ah?

Dhalinyaradii mid kamid ah ayaa hadlay oo yidhi isaga oo maadaysanaya: waxaan u malaynayaa in uu wiilkiisu waalan yahay.

Wiilka yar aabihii oo dulqaadanaya ayaa yidhi: wiilkaygu waxa uu ku dhashay indho la'aan, maalmo ka hor ayaa lagu sameeyay qaliin, waa ayna usoo laabteen indhihiisi.

Dhalinyaradii hadalkii ayaa ku dhagay, waa ayna raali galiyeen wiilka yar aabihii.

Dulucda sheekada:

Inta aanad hadlin waa inaad laba jeer ka fikirtaa hadalka aad odhanayso.


3. Wiil Wanaagsan iyo Islaan da' weyn



Islaan da' weyn ayaa rabtay inay ka gudubto wadada, caawinaad ayayna u baahnayd, waxa ayna sugtay inta ay ka helayso qof caawiya oo wadada dhaafiya.

Waxyar kadib waxa ay aragtay caruur tiro badan oo ka yimi dugsigoodi, waa ay qoslayeen wayna wada sheekaysanayeen, waa ayna faraxsanaayeen, guryohoodi ayayna usocdeen.

Kadib waxa ay arkay islaantaas da' da ah, laakiise may caawin waa ayna dhaafeen.

Balse wiil ayaa arkay wuuna usoo leexday waxa uuna ku yidhi: Hooyo, caawimo miyaad u baahan tahay, wadada inaad ka gudubto miyaad rabtaa, anigaa ku dhaafinaya.

Wiilkii waa uu caawiyay islaantii, wadadii ayuuna dhaafiyay, wax wanaagsan ayuu sameeyay, aad ayuuna ufaraxsanaa, waxa uuna yidhi: "waxa aan caawiyay qof kale hooyadii, markaa qof ayaa anigana hooyaday caawin doona marka ay da'daas gaadho".

Islaantiina waxay tidhi: "Ilaahayow! wiilkan yar ee wanaagsan u naxariiso".

Dulucda sheekada:

Wanaaga aad samayso kuma khasaaraysid, taa badalkeeda waxa aad ka helayaan farxad inta aad adduunka joogto, maalinta aakhirada janada ayaad ku galaysaa.

Keywords: sheeko , sheekooyin , sheekooyin cajiib ah , sheekooyin xikmad badan , sheekooyin yaab leh , sheeko xikmad badan , sheekooyin qosol badan , sheeko xikmadaysan , sheeko qosol badan

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post