Kuwani waa 30 su'aalood oo diini ah ayna u badan tahay in aanad garanayn jawaabahooda.
1. Kumuu ahaa nabiga ﷺ adeeradii kii ugu weynaa?
- Waxa uu ahaa ( حارث بن عبد المطلب )
2. Halkee ayay ahayd goobtii uu nabigu ﷺ ka dhigtay goob sir u ah dacwadda markii uu joogay makka?
- Waxay ahayd daartii ama gurigii ( الأرقم بن أبي الأرقم )
3. Tee ayay ahayd salaaddii ugu horraysay ee uu nabigu ﷺ tukado?
- Waxa ay ahayd "Salaadda Duhur"
4. Kuma ayuu ahaa qofka ay kusoo dagtay "سورة الهمزة" ?
- Waxa uu ahaa ( أمية بن خلف )
5. Kuma ayuu ahaa asxaabigii ugu horreyay ee qur'aanka kor u aqriya.
- Waxa uu ahaa ( عبد الله بن مسعود )
6. Tuma ayay ahay xaasaskii nabiga ﷺ middii ugu dambaysay ee dhimata?
- Waxay ahayd: Ummu-Salama ( أم سلمة )
7. Halkee ayuu ku dhashay nabi ibraahim cs?
- Waxa uu ku dhashay "Ciraaq"
8. Muxuu ahaa magacii gabadha fircoon?
- Waxa uu ahaa magaceedu: Aasiya ( آسيا )
9. Sheeg caruurta ay dhashay Faadima - inantii nabiga ﷺ ?
- Waxay ahaayeen saddex ( حسن - حسين - ام كلثوم )
10. Yuu ahaa shahiidkii ugu horreyay ee islaamku?
- Waxay ahayd ( سمية من آل ياسر )
11. Surraddee ayaa lagu sheegay salaadda ciida iyo ulxada?
- Waa suuratul-kawthar ( سورة الكوثر )
12. Suraddee ayaa lagu sheegay dagaalkii badar iyo dagaalkii uxud?
- Waa suuratu-aala-cimraan ( سورة آل عمران )
13. Suurad quraanka ka mida oo ay ku jiraan laba sujuudood?
- Waa suuratul-xaj ( سورة الحج )
14. Kuma ayuu ahaa nabigii ugu horreeyay ee faras fuula?
- Waxa uu ahaa nabi ismaaciil cs
15. Kuma ayuu ahaa curadkii caruurta nabi aadam?
- Waxa uu ahaa Qaabiil ( قابيل )
16. Kuma ayuu ahaa nabigii tamaniyay ama doonay geerida?
- Waxa uu ahaa nabi Yuusuf cs
17. Sheeg suuradda lagu magacaabo caruuska qur'aanka?
- Waa suuratul-raxmaan ( سورة الرحمن )
18. Sheeg suuradda lagu magacaabo "Qalbiga Qur'aanka"?
- Waa suuratu-yaasiin ( سورة يس )
19. Sheeg labada nabi ee wada dhisay kacbada?
- Waa nabi ibraahim cs iyo nabi ismaaciil cs
20. Kumuu ahaa asxaabigii ay malaa'iktu salaami jirtay?
- Waxa uu ahaa ( عمران بن حصين )
21. Sheeg saddexdii qof ka hadhay dagaalkii tabuuk?
- Waxay ahaayeen:
• كعب بن مالك
• مرارة بن الربيع
• هَلْال بن أمية
22. Waa tuma gabadha kaliya ee magaceeda lagu sheegay qur'aanka?
- Waa ( مريم بنت عمران )
23. Sheeg aayadda qur'aanka ka mid ah ee koobsatay dhammaan xarfaha afka carabiga?
- Waa aayadda ugu dambaysa ( سورة الفتح )
24. Imisa jeer ayaa qur'aan lagu sheegay nabi haaruun cs?
- Waxaa lagu sheegay 4 Jeer
25. Imisa jeer ayaa "مريم بنت عمران" lagu sheegay qur'aanka?
- Waxaa lagu sheegay 34 Jeer
26. Imisa jeer ayaa Malakul-Jibriil lagu sheegay qur'aanka?
- Waxaa lagu sheegay 3 Jeer
27. Sheeg labada buurood ee lagu sheegay qur'aanka isla hal aayad gudeheeda?
- Waa buurta "Safa" iyo buurta "Marwa"
28. Kuma ayuu ahaa nabigii ugu horreeyay ee dhaha kalmadda "أما بعد"?
- Waxa uu ahaa nabi Daawuud cs
29. Sheeg suuradda lagu wada sheegay laba masjid?
- Waa aayadda u horraysa ( سورة الإسراء )
30. Waa imisa kalmadaha ku jira ( آية الكرسي )?
- Waa 50 Kalmadood