30 Xikmadood Oo Ku Saabsan Saaxiibtinimada Dhabta Ah

• Saaxiibtinimadu marka lasoo koobo waa xudhiidhka aad la leedahay qoys aad gacantaada ku xulatay.

Saaxiibadu waa sida walaalaheen oo kale kuwaas oo ay dhaleen hooyooyin kale, waxaana ay mar waliba joogaan dhinaceenna nolosha kor ukaceeda iyo hoos u dhaceedaba waxaana ay iftiimiyaan maalinteenna iyo guud ahaan nolosheenna, ilaahay ayaana ku mahadsan inuu nasiiyay saaxiibo aynu xitaa nafteenna ka jecel nahay.


• Halkan hoose waxaa ku qoran odhaahyo iyo xikmado cajiib ah oo ku saabsan saaxiibtinimada iyo qiimaheeda.


1. Saaxiibtinimadu waxa ugu adag adduunka ee la sharrixi karo. Ma ahan wax lagu barto dugsiyada Laakiinse haddii aanad baranin micnaha saaxiibtinimada, xaqiiqdii waxba maad baranin.

- Muhammad Ali

2. Way illaawi karaan waxa aad ku tidhi, laakiinse marnaba ma illaawi doonaan sida aad ka dhigtay dareenkooda.

- Carl W. Buechner

3. Farxadda xitaa waxaad ka dhex heli kartaa waqtiyada ugu madow, kaliya waa haddii aad xasuusato inaad daarto nalka.

- Dumbledore

4. Saaxiibka dhabta ahi waa midka kula socda marka adduunka intiisa kale oo dhami ay kaa tagaan.

- Walter Winchell

5. Saaxiibku waa midka fahansan tagtadaadi, aaminsanna mustaqbalkaaga, kuguna qaata sida aad ku sugan tahay.

- Unknown 6. Ma ahan waxa aynu nolosha ku haysanno, laakiin waa cidda aynu nolosha ku haysanno, taas ayaa micno samaynaysa.

- Unknown

7. Adduunkan waxaa laga yaabaa inaad tahay hal qof, laakiinse waxaa laga yaabaa inaad hal qof u tahay adduun.

- Dr. Seuss 8. Saaxiib yaqaanna illintaada ayaa inbadan ka qiimo badan saaxiibo badan kuwaan oo kaliya yaqaanna dhoolla caddayntaada.

- Unknown

9. Saaxiibku waa waxa ugu wanaagsan ee aad noqon karto, iyo waxyaabaha ugu waaweyn ee aad yeelan karto.

- Sarah Valdez

10. Saaxiibada ugu wanaagsan waa kuwa kaa dhigi kara inaad si sare u qososho, si cad inaad udhoolla caddayso iyo inaad u noolaato si wanaagsan.

- Unknown

11. Waqtiga iyo kala go'u midna wax kama qaado saaxiibtinimada.

- Tennessee Williams

12. Wali kalmad looma helin saaxiibo hore oo kulmay.

- Jim Henson

13. Saxiib waa midka aad wici karto Afarta habeennimo (4 am).

- Marlene Dietrich

14. Saaxiibka dhabta ah way adagtahay in la helo, wayna dhib badan tahay in laga tago, suurto galna ma ahan in la illaawo.

- G. Randolf

15. Waxaan door bidayaa inaan mugdiga kula dhex socdo saaxiib, halka aan kaligay ku dhex socon lahaa iftiinka.

- Helen Keller

16. Saaxiibada dhabta ahi ma kala fogaadaan, masaafo ahaan waa macquul, laakiin macquul ma ahan qalbiga ahaan.

- Helen Keller

17. Mararka qaar inaad la joogto saaxiibkaaga dhabta ah ayaa ah daaweynta aad ubaahan tahay.

- Unknown 18. Ma jiro wax adduunkan saaran oo ka qiimo sarreeya saaxiibtinimada dhabta ah.

- Thomas Aquinas

19. Saaxiibadu waa qoys aynu gacanteena ku xulannay.

- Jess C. Scott

20. Wax kastaa waa suurto gal marka aad haysato dad sax ah oo ku taageeraya.

- Misty Copeland

21. Saaxiibada dhabta ah waa wada jir nafahoodu.

- L.M. Montgomery 22. Saaxiibka dhabta ahi waad midka kuu maleeya inaad tahay beed wanaagsan xitaa haddii aad inyar dillaacday.

- Bernard Meltzer

23. Saaxiibka ugu wanaagsan waa midka kaa dhiga inaad qososho xitaa marka aad u malaynayso in aanad dib dambe u dhoolla caddayn doonin.

- Unknown

24. Saaxiibo wanaagsan ayaanu nahay, sababtoo ah haddii qof kale uu maqli lahaa skeekadeena waxa aanu ku dhamaysan lahayn inta cimrigeena ka dhiman cisbitaalka waalida.

- Unknown

25. Saaxiibada ugu wanaagsan ma daneeyaan haddii uu gurigaagu nadiif yahay. Waxay daneeyaan haddii aad hayso internet.

- Muhammad dayib 26. Saaxiibadu cunto ayay kuu iibiyaan, laakiinse saaxiibka dhabta ahi cuntadaada ayuu cunaa.

- Unknown

27. Saaxiibku waxa uu kuu sheegayaa waxyaabo aanad doonayn inaad u sheegto naftaada.

- Frances Ward Weller

28. Qof kastaa wuu maqlaa waxa aad dhahdo. Saaxiibadu waxay dhagaystaan waxa aad dhahdo. Saaxiibka ugu wanaagsani waxa uu dhagaystaa wax aanad dhihin.

- Unknown

29. Ha i daba socon; waxaa laga yaabaa in aanan ku hogaamin. Ha i hor socon; waxaa laga yaabaa in aanan ku raacin. Kaliya soco dhinacayga, noqona saaxiibkay.

- Albert Camus

30. Qof kastaa saaxiib ayuu yeeshaa inta uu ku gudo jiro marxaladaha kala duwan ee nolosha, laakiin kaliya kuwo nasiibka badan ayaa yeesha hal saaxiib inta ay ku jiraan marxaladahaas oo dhan.

- Unknown

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post