1. Wax u baro sidii inaad waligaa noolaan doontid, una noolow sidii inaad berri dhiman doonto.
- Mahatma Gandhi
2. Marka aad bedesho fikradahaaga xasuusnow sidoo kale inaad bedesho adduunkaaga.
- Norman Vincent Peale
3. Marka aad dadka kale siiso farxad, waxaad helaysaa oo kugusoo noqonaysa farxad badan.
- Eleanor Roosevelt
4. Inaad ku guul darraysato ayaa ka fiican inaad ku guulaysato adigoo qof kale koobbi gareeyay.
- Herman Melville
5. Waddada aad ku guulaysanayso iyo midda aad ku guul darraysanayso inta badan waa isku mid.
- Colin R. Davis
6. Guushu badanaa waxay u timaadaa dadka aad ugu mashquulsan raadinteeda.
- Henry David Thoreau
7. Guul ka samee guul darrooyinkaaga, niyad-jabka iyo guul darrooyinku waa labada jaranjaree kaliya ee la hubo oo aad ku gaadhi karto guusha.
- Dale Carnegie
8. Waligay kuma riyoon wax guusha ku saabsan, Kaliya waan u shaqaystaa.
- Estée Lauder
9. Guushu waa inaad hesho waxa aad u baahan tahay, faraxadduna waa inaad u baahato waxa aad heshay.
- W. P. Kinsella
10. Qofka dhinaca xun ka fikiraa dhibaato ayuu ka dhex arkaa fursad kasta. Qofka dhinaca wacan ka fikiraana fursad ayuu ka dhex arkaa dhibaato kasta.
- Winston Churchill
11. Ha u ogolaan shalay inay kaa qaadato waqti badan oo maanta ah.
- Will Rogers
12. Waxa aad guul darrada ka baranaysaa in ka badan inta aad guusha ka baranayso, ha u ogolaan inay ku joojiso, guul darradu waxay dhistaa qofnimada.
- Unknown
13. Khibraddu waa macallin adag, sababtoo ah marka hore imtixaan ayuu kaa qaadayaa, markaas ka dib ayaad casharada qaadanaysaa.
- Vernon Sanders Law
14. Inaad yool dajisato waa sirta aad kula xidhiidhi karto mustaqbalka.
- Tony Robbins
15. Midka naftiisa ka adkaada ayaa ah dagaal-yahayka ugu awoodda badan.
- Confucius
16. Hal nin oo geesinimo leh ayaa samayn kara inta ugu badan.
- Andrew Jackson
17. Hal sir oo kamid ah guusha noloshu waa inaad diyaar unoqoto fursaddu markay kusoo marto.
- Benjamin Disraeli
18. Qofka gala qalad oo misana aan sixin, waxa uu galayaa qalad kale.
- Confucius Kongzi
19. Guulaystuhu waa uu ka faa'idaystaa qaladkiisa, waxa uuna isku dayaa qaab ka duwan kii hore.
- Dale Carnegie
20. Waa inaad subax waliba lasoo kacdaa go'aan, haddii aad rabto inaad seexato adigoo raalli ah.
- George Lorimer
21. Aqoontu waa hubka ugu awoodda badan, kaas oo aad u adeegsan karto si aad wax uga badasho adduunka.
- Nelson Mandela
22. Isu imaanshuhu waa bilowga, isla sii jooguna waa horusocod, wada shaqayntuna waa guul.
- Henry Ford
23. Keli ahaanshaha waxa aynu ku qaban karnaa wax yar, wada shaqayntana waxaynu ku qaban karnaa wax badan.
- Helen Keller
24. Kaliya fikir yar oo togan oo aad subixii qaadato ayaa badalaya maalintaada oo dhan.
- Dalai Lama
25. Fursaduhu iskama yimaadaan, adiga ayaa samaysta.
- Chris Grosser
26. Ha ogolaan fikir uu qof kale kaa aaminsan yahay inuu noqdo mid dhab ah.
- Les Brown
27. Waad helaysaa wax kasta oo aad nolosha uga baahan tahay haddii aad dadka kale ku caawiso inay helaan waxa ay doonayaan.
- Zig Ziglar
28. Qof ayaa hadhka fadhiya maanta, sababtoo ah qof ayaa geed beeray muddo dheer ka hor.
- Warren Buffet
29. Cidda kaliya ee kugu odhanaysa "Ma Guulaysan Kartid" waa adiga, mana ahan inaad dhagaysato.
- Jessica Ennis
30. Yoolkaaga meel sare ka yeel, hana istaagin illaa aad halkaas ka gaadhayso.
- Bo Jackson
31. Noloshu waa sida baaskiilka, si aad u ilaaliso dheeli-tirnaantaada waa inaad socotaa.
- Albert Einstein
32. Haddii aanad qaban karin waxyaabaha waaweyn, waxyabaaha yaryar u qabo qaab weyn.
- Napoleon Hill
33. Hubi inaad lugtaada dhigto meel ku habboon, kadibna si wacan ugu istaag.
- Abraham Lincoln
34. Way fiican tahay inaad u dabaal degtaan guusha. Laakiin waxaa ka muhiimsan inaad dareenkiina usoo jeediisaan casharada guul-darrada.
- Bill Gates
35. Haddii aad badesho qaabka aad wax u aragto, waxyaabaha aad aragtaana way is badalayaan.
- Wayne Dyer
36. Marka uu wax kastaaba kuula muuqdo inuu kaa soo horjeedo, xasuusnow in diyaaradduba ay ka hor tagto dabaylahaa.
- Henry Ford
37. Badanaa ma maamuli kartid waxyaabaha dibadda u baxaya, laakiinse waxaad maamuli kartaa waxyaabaha gudaha soo galaya.
- Wayne Dyer
38. Ka bilow halka aad joogto, adeegso waxa aad haysato, samee waxa aad awoodo.
- Arthur Ashe
39. Maan guul darraysan, laakiin waxaan helay "10,000" oo waddo kuwaas oo aan shaqaynayn.
- Thomas Edison
40. Labada maalmood ee noloshaada ugu muhiimsan waa; maalinta aad dhalatay iyo maalinta aad ogaatay sababta aad u nooshahay.
- Mark Twain
41. Ma jiro shay taga illaa uu inaga baro waxa aynu u baahan-nahay inaan ogaanno.
- Pema Chodron
42. Waa aynu arki karnaa waxa dadka kale ku gudo jira, kaliya marka aynu aragno waxa inagu guda jira.
- Bruce Lee
43. Haddii aanu halgan jirin, horu-socodna ma jiro.
- Frederick Douglass
44. Geesinimadu waa sida muruqa. Waxa aynu ku kala bixin karnaa adeegsiga.
- Ruth Gordo
45. Wax badan waxaa lumiyay go'aan la'aan in ka badan go'aan qaldan.
- Marcus Tullius Cicero
46. Haddii ujeedada ugu weyn ee kabtanku ay tahay inuu ilaaliyo markabkiisa, waligii waxa uu joogi doonaa dekedda.
- Thomas Aquinas
47. Haddii aanad ka helin wadada aad ku socoto, bilow inaad mid kale qaado.
- Dolly Parton
48. Si aad u noqoto qof aan badalkiisa la heli karin waa inaad noqotaa mid ka duwan dadka.
- Coco Chanel
49. Shakigu waa dilaa. Waa inaad ogaataa qofka aad tahay iyo waxa aad u taagan tahay.
- Jennifer Lopez
50. Dadka qaar ayaa raba inay dhacdo, qaar kalena waxay rajeeyaan inay dhacdo, halka qaar kalena ay kadhigaan inay dhacdo.
- Michael Jordan
51. Ku hay indhahaaga xidigaha, lugahaagana dhulka.
- Theodore Roosevelt