30 Weydiimood Oo U Bahan Caqli

Kuwani waa 30 weydiimood kuwaas oo u baahan caqli iyo ka fikir dheeri ah, kuwo kamid ah waa ay fududahay inaad ka jawaabto halka kuwo kalena ay adagtahay ama ay waqti badan kugu qaadanayso si aad uga jawaabto, hadaba haddii aad ka jawaabi kari waydo ama aad garan waydo jawaabta, kaliya waxaad taabanaysaa botonka ay ku qoran tahay "Eeg Jawaabta" waxaad helaysaa jawaab weydiintaas, hadaba waxaan ku leeyahay "hawl gal wacan".


W1.

1. Sheeg wax markasta hortaada ah laakiinse aanad arki karin?

Waa Mustaqbalka




W2.

2. Sheeg wax haddii aad qof kale siiso aanay waxba iska dhimaynin oo adigana kuu hadhaya.

Waa Ereyada ama hadalka




W3.

3. Markasta oo aad dhaqaaqdo wuu kula dhaqaaqayaa meel kasta oo aad tagtidna wuu kula tagayaa laakiinse ma taaban kartid, waa maxay waxaasi?

Waa Hadhkaaga




W4.

4. Waxa ay leedahay gacmo balse ma lahan faro, hadaba maxay tahay?

Waa Saacadda




W5.

5. Adiga ayaa iska leh, laakiin dadka kale ayaa adeegsada in ka badan inta aad adigu adeegsato, hadaba muxuu yahay waxaasi?

Waa Magacaaga




W6.

6. Sheeg wax aad jabiso inta aanad adeegsanin ka hor?

Waa Beedka ama Ukunta




W7.

7. Markasta oo aad socoto waa markasta oo uu sii bato, marka aad istaagtana wuu istaagayaa, hadaba muxuu yahay waxaasi?

Waa Raadkaaga






W8.

8. Gaadhi ayaa laamiga marayay, saddex nin ayaana taagnaa laamiga dhiniciisa, kii koowaad gacanta ayuu u taagay, kii labaadna wuu foodhyay, kii saddexaadna istaag ayuu ku yidhi, hadaba keebaa istaajiyay gaadhiga.

Midna, Darawalka ayaa istaajiyay.




W9.

9. Imisa xaraf ayaa ku jira soomaali?

Waa 8 Xaraf ( s-o-o-m-a-a-l-i )




W10.

10. sheeg saddex lambar oo haddii la isu geeyo iyo haddii la isku dhuftaba isku jawaab ah.

Waa  { 1,2,3 }




W11.

11. Iftiinka waan ku noolaadaa, mugdigana waan ku dhintaa laakiinse iftiinka tooska ahi wuu idilaa, hadaba maxaan ahay.

Waa Hadhka




W12.

12. Waa magaalo laakiinse dad kuma noola, bado iyo webiyo ayay leedahay hadana biyo kuma jiraan, waddooyin ayay leedahay hadana wax gaadiid ahi ma maraan, hadaba xaggee ayay ku taallaa.

Waxay ku taallaa khariiradda.




W13.

13. Sheeg wax hayn kara culays ka badan 1000KG laakiinse aan hayn karin irbad?

Waa Badda. ( Maraakiib iyo doomo culus way hayn kartaa laakiinse ma hayn karto irbaddaas yar ).




W14.

14. Adiga oo wata Ambalaas ayaa waxaad aragtay misaajid iyo kaniisad gubanaya, hadaba midkee ayaad bakhtiin lahayd?

Midna, sababtoo ah Ambalaastu waxba ma bakhtiiso, dab damiska ayaa hawshaas iska leh.




W15.

15. Waxa uu leeyahay laba gacmood laakiinse malaha lugu iyo madax midna?

Waa Shaadhka.






W16.

16. Toban nin ayaa wada adeegsaday hal dallaayad dhammaantoodna may qoyin, sideebay suurto gal ku tahay?

Roob muu da'aynin.




W17.

17. Cali aabihii waxa uu leeyahay shan will oo kala ah; Maxamed, Axmed, Saleebaan, sakariye, hadaba muxuu noqonayaa magaca wiilka shanaad?

Waa Cali.




W18.

18. Haddii aad haysato saddex waxaad haysataa saddex, haddii aad haysato laba waxaad haysataa laba, haddiise aad haysato hal waxba ma haysatid, hadaba muxuu yahay waxaasi?

Waa Doorashada ((waayo haddii aad saddex shay haysato waxaa aad haysataa saddex doorasho si aad u doorato mid kamida ah saddexdaa shay, sidoo kale haddii aad haysato laba shay waxa aad haysataa laba doorasho, laakiinse haddii aad haysato hal shay wax doorasho ah ma haysatid kaliya waad qaadanaysaa halkaa shay))




W19.

19. Gaadhi ku shaqeeya korantada ayaa waxa uu usocday jihada bariga, dabashuna waxaa ka imanaysay jihada bariga, hadaba dhinacee ayuu qiiqa gaadhidu aadayaa.

Baabuurta korontada ku shaqaysaa qiiq ma laha.




W20.

20. Sheeg wax marka uu madowyahay nadiif ah, haddiise uu cad yahay aan nadiif ahayn?

Waa sabuuradda ((marka ay madowdahay waa nadiif laakiinse marka lagu qoro tabaashiir oo ay cadaan noqoto nadiif ma ahan.




W21.

21. Sheeg wax leh 6 waji iyo 21 indhood laakiinse aan waxba ku arkin.

Waa laadhuuda (6+5+4+3+2+1=21)




W22.

22. Sheeg wax madaxiisa waaya subixii laakiinse dib uhela habeenkii?

Waa barkimada (subixii waad ka kacdaa laakiinse habeenkii ayaad usoo laabataa)






W23.

23. Sheeg wax lugo leh laakiinse aanan ku soconin lugahaas?

Waa kursiga ama miiska




W24.

24. Sheeg meel jidhkaaga ka mid ah oo aad ku taaban karto gacantaada bidix laakiise aanad ku taaban karin gacantaada midig?

Waa isla gacantaada midig ((sababtoo ah hal gacan isma taaban karto ta kale ayaad ku taaban kartaa))




W25.

25. Walaalkay ayaad tahay laakiinse anigu walaalkaa ma ihi, hadaba maxaan ahay?

Waa walaashay.




W26.

26. Sheeg wax ka dhex bixi kara muraayadda isaga oo aan jabinin?

Waa iftiinka.




W27.

27. Hooyo ayaa dhashay 6 hablood, lixdaas hablood mid kasta oo ka mid ahi waxaa la walaal ah hal wiil, hadaba guud ahaan imisa caruur ah ayay dhashay hooyadaasi?

7 caruur ah




W28.

28. Hooyadaa iyo aabahaa ayaa dhalay hadana walaalkaa iyo walaasha midna ma ahan, hadaba wa ayo qofkaasi?

Waa isla adiga.




W29.

29. Wax birta ka culus balse aan xamili karin qorraxda.

Waa barafka




W30.

30. Markasta oo aan ku badanahay meesha aad joogto waa markasta oo aanad si wacan waxba u arkaynin, hadaba maxaan ahay?

Waa mugdiga



Post a Comment (0)
Previous Post Next Post