English-ku waa mid kamida luuqadaha loogu isticmaalka badan yahay, waxaana ku hadla dad badan oo adduunka daafihiisa jooga, si aad u barato luuqadda english-ka kaliya waxaad u baahan tahay inaad dadaal bixiso iyo inaad waqti galiso barashadeeda.
Kuwani waa 11 tallaabo ama xeeladood oo haddii aad adeegsato kaa caawinaya inaad barato luuqadda english-ka.
1. Ogow sababta aad u baranayso
Inta aanad bilaabin barashada luuqadda english-ka waa inaad ogaato sababta kugu riixaysa barashadeeda, midaasi waxay kugu dhiiri galinaysaa inaad sii waddo barashadeeda oo aanad ka caajisin, haddii aad ka caajistidna waxa aad soo xasuusanaysaa sababtii aad u baranaysay, haddiise aad bilaa sabab u baranayso ugu dambayn waad ka caajisaysaa waxaana kugu adkaanaysa inaad sii wado barashadeeda.
2. Akhri wax kasta oo aad heli karto
waa inaad wax kasta oo awoodo haddii ay english ku qoran yihiin sida joornaalada, websites-ka, emails-ka, iyo wixii la mida, middani waxay kaa caawinaysaa inaad hesho ereyo badan oo cusub kuwaas oo aanad horay u ogayn.
3. Kaydso ereyada cusub ee aad barato
Waxaa jira ereyo aynu mar waliba maqalno balse aynaan aqoonin micnohooda, sidoo kale waxaa dhacda in aynu illowno ereyo aynu mar hore baranay, balse haddii aynu meel ku qoran lahayn isma aynu waydiin lahayn micnohooda marka xigta ee aynu maqalno.
Markaad kaydsato ereyada cusub ee aad maqasho muddo kadib waad la qabsan doontaa oo uma baahanaysid inaad kaysato erey kasta oo aad maqasho.
4. Ku hadal oo kula xidhiidh dadka kale
Sida aynu ognahay luuqad waxaa loo bartaa in lagu hadlo oo lagu wada xidhiidho, sidaa darteed waa inaad kula xidhiidhaa dadka ku dhow sida asxaabtaada iyo ehelkaagu haddii ay garanayaan english.
5. Haka cabsan inaad khalad samayso.
Inaad ka cabsato inaad khaladdo ku hadalka luuqaddu waxay kaa hor istaagaysaa inaad barato, haddii aad luuqadda ku hadli karinina wax micno ah kuu samayn mayso barashadeedu.
6. Daawo oo dhagayso Podcasts-ka
Podcast haddii aanad aqoonin waa muuqaallo dhaadheer oo u dhexeeya 30 daqiiqo illaa 2 saacadood iyo wixii ka badan kuwaas oo ka hadlaya mawduuc gaar ah.
Inaad dhagaysato Podcasts-ka iyo muuqaallo english ku baxaya waxay kaa caawinaysaa inaad hesho ereyo badan oo cusub.
7. Adeegso luuqadda English-ka.
Waa inaad adeegsataa luuqadda english-ka sida: in qoraalada aad soo dhigayso barahaaga bulshada aad ka dhigto english, iyo sidoo kale in marka aad wax ka baadhayso Internet-ka aad wax ku baadho luuqadda english-ka.
8. Haku mashquulin Grammar-ka
Grammarka inaad barataa way fiican tahay balse haku bixin juhdi aad u badan inaad barato grammar-ka, haddii aad isku mashquuliso grammar-ka waxay keenaysaa inaad ka caajisto barasha luuqadda english-ka.
9. Mawduucyada aad xiisayso ku akhri english.
Mawduuc aad xiisaynayso marka aad ku akhrido english waxay yaranaysaa inaad ku caajisto akhriska, waxaad ka korodhsanaysaa ereyo badan oo english ah middaas oo sare u qaadaysa xirfaddaada english-ka.
10. Ha adeegsan English-to-Somali dictionary
Halkii aad ka adeegsan lahayd english-to-somali dictionary, waxaad adeegsataa English-to-English dictionary, waayo waxay kaa caawinaysaa inaad si wacan u barato luuqadda, iyo inaad hesho ereyga aad baadhaysay ereyo kale oo la micno ah.
11. Ha degdegin
Waa in aad dulqaad yeelataa oo aad u dhabar adaygtaa barashada luuqadda english-ka, mar kasta oo aad ka cajistidna waa inaad soo xasuusataa hadafka aad ka lahayd barashada luuqaddaas.