6 SHAY WALIGAA DADKA LA WADAAGIN

Dadku waxay jecelyihiin in dareemohooda sida farxadda, murugada, walwalka IWM ay la wadaagaan asxaabtooda ama dadka kale.

Balse waxaa jira lix shay oo ay tahay in aanad la wadaagin dadka kale xitaa dadka aad isku fiican tihiin.

Halkan hoose waxaa ku qoran 6 shay oo ay fiican tahay in aanad cidna la wadaagin.


1. YOOLKAAGA IYO RIYOOYINKAAGA WAAWEYN


Cilmi baadhis ayaa sheegtay haddii aad yoolkaaga u sheegto dadka kale, in ay u badan tahay in aanad gaadhin oo aanad xaqiijin.

Haddii hadafkaaga nololeed aad u sheegto dadka kale waxaa dhacaysa in ay wax ka sheegaan hadafkaaga taas oo kugu keenaysa inaad ka niyad jabto oo aanad xaqiijin yoolkaaga.


2. NOLOSHAADA GAARKA AH


Hakala hadlin dadka kale noloshaada gaarka ah, qof kasta oo aad aragto haku aaminin inaad u sheegto noloshaada gaarka ah, mar kastana ogow dadka daacadda ah ee wanaagsan in ay yaryihiin, taa badalkeeda waxaa aad u badan dadka aan wanaagsanayn.

Sidaad darteed noloshaada gaarka ah cidna hakala hadlin, arinkaasina sir ha kuu ahaado.

3. ARRIMAHA QOYSKAAGA


Qoys kastaa waxaa uu leeyahay dhibaato, khilaaf iyo arrimo u gaar ah, qoys kastaana waa uu yaqaanaa siduu ku xalin lahaa, nooc kasta oo uu yahay xidhiidhka kaala dhexeeya qoyskaagu jacayl iyo nacayb midkuu yahayba waa inuu gaar kuu ahaadaa, loomana baahna inaad la wadaagto dadka kale.


4. WAXYAABAHA AAD HAYSATO


Inaad dadka ugu faanto waxyaabaha aad haysato waxay keenaysaa in ay ku khalad fahmaan, xitaa haddii aad si caadi ah ula wadaagayso, dadka qaar ayaa hadalkaaga u leexinaya dhan kale.

Sidaas darteed dadka ha ugu faanin waxa aad haysato, ogowna in ay jiraan dad u dhiman kara si ay u helaan waxa aad haysato, tusaale ahaan waxaa jira dad aan haysan biyo nadiif ah oo ay cabaan, halka dad kalena aanay haysan cunto ay cunaan.

5. NAXARIISTAADA


Dadku way jecel yihiin naxariista iyo qofka qalbiga wanaagsan, laakiin haddii aad dadka naxariis ugu muujiso si aad usoo jiidato ama inaad is tustusto oo aanay qalbigaaga ka iman fadlan jooji, hadii aad rabto inaad dadka kale u naxariisato, u samee sababtoo ah qalbigaaga ayay kasoo go'day.


6. HANTIDAADA


Hantidaada inaad dadka kale la wadaagto ma fiicna, haddiise aad la wadaagto waxay dhici karta inuu khalkhal galo ammaanka hantidaadu sababtoo ah dad badan ayaa isku dayaya inay kaa dhacaan hantidaada, si aad ammaankeeda u sugtana waxay kaaga baahan tahay ilaaliyayaal iyo qarash aad u badan.

Sidaas darteed waxa aad u fiican in aad sir ka dhigato oo aanad dadka kale la wadaagin arrimaha ku saabsan hantidaada.


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post