Sida Loo Helo 10k YouTube Subscribers ( Si Dhaqso ah )



1. Soo dhig muuqaallo dhaadheer

Muuqallada dhaadheer waa kasoo hor muuqdaan muuqaallada gaagaaban marka la baadho ama cinwaankooda lagu qoro youtube-ka, sidaas darteed waxaa fiican in muuqalladaadu aanay ka hoosaynin 8 daqiiqo illaa 15 daqiiqo.


2. Soo dhig muuqaallo tayo leh

Dadku waxay jecelyihiin inay daawadaan muuqaal fasiix ah oo uu codkiisuna wacan yahay, qofna ma jecla in uu waqtigiisa ku lumiyo muuqaal ay tayadiisu hoosayso ama codkiisu aanu fasiix ahayn.


3. Adeegso playlists

Playlist ku gur muuqaallada intii isku mawduuc ah ama isku wax ka hadlaysaba, tani waxay kaa caawinaysaa in qofku marka uu muuqaal dhamaysto uu si fudud ugu gudbi karo muuqaalka xiga.


4. Ka jawaab celi faallooyinka ama comments-ka

Middani waxay dhisaysaa xidhiidhka kaala dhexeeya daawada-yaashaada, taas oo keenaysa in ay mar kasta daawadaan muuqaalladaada.


 

5. Adeegso cinwaan soo jiidasho leh

Muuqaalkaaga oo aad u samayso cinwaan soo jiidasho leh, waxay kaa caawinaysaa inaad hesho daawadayaal badan middaasna waxay kor u qaadaysaa janalkaaga waxaanad helaysaa subscribers badan.


6. Adeegso Thumbnail soo jiidasho leh

Thumbnail waa sawirka dul saaran muuqaalka inta aanad ku dhufanin, sawirkaas oo aad ka dhigto mid soo jiidasho leh waxay kaa caawinaysaa inaad hesho daawadayaal tiro badan.


7. U fiirso muuqaalka aad ku hesho subscribers badan

Muuqaalladu isku mid ma ahan, waxaa jira kuwo aad ku helayso subscribers badan, waa inaad samaysaa muuqaallo la mid ah ama ay isku mawduuc yihiin muuqaalladaas, si aad u hesho daawadayaal badan.


8. Adeegso profile soo jiidasho leh

Sawirka profile-ka oo noqda mid qurux badan waxay kaa caawinaysaa in janalkaagu uu yeesho soo jiidasho waxayna keenaysaa in lagu dhufto oo gudaha loosii galo janalkaaga, halkaasna aad ka hesho views iyo subscribers.


 

9. Love u saar dadka comments-ka kaa bixiya

Middani sidoo kale waxay xoojinaysaa xidhiidhka idinka dhexeeya adiga iyo daawadayaa-shaada, taas oo keenaysa in ay mar kasta soo booqdaan janalkaaga oo ay daawadaan muuqalladaada.


10. Soo dhig Shorts

Shorts waa feature oo uu youtube soo kordhiyay sannadadii ugu dambeeyay kaas oo awood kuu siinaya inaad soo dhigto janalkaaga muuqaallo gaagaaban oo ugu badnaan gaadhaya hal daqiiqo ama 60 minutes, waxaana uu kaa caawinayaa in muuqaalkaagi uu dad badan gaadho.


11. Adeegso tags

Tags waa erey sireedyo ay macquul tahay in lagusoo helo muuqaalkaaga haddii laga baadho youtube, tusaale ahaan haddii aad ka hadlayso sida loo helo subscribers tags-kaagu waxay noqonayaan sidan oo kale: sida loo helo subscribe badan, sida loo helo 1k subscribers, sida loo helo 10k subscribers IWM, sidaas darteed inaad tags ku darto muuqaalkaagu waxay sare u qaadaysaa daawashadiisha iyo iyo in uu kasoo muuqdo search-ka.

Gunaanad

1. Soo dhig muuqallo dhaadheer

2. Soo dhig muuqaallo tayo leh

3. Adeegso playlists

4. Ka jawaab celi comments-ka

5. Adeegso cinwaan soo jiidasho leh

6. Adeegso thumbnail qurux badan

7. U fiirso muuqaallada kuusoo xareeya subscribers badan

8. Adeegso profile soo jiidasho leh

9. Love u saar dadka comments-ka kaa bixiya

10. Soo dhig shorts

11. Adeegso tags


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post