Waa maxay Artificial Intelligence (AI) ?
Af soomaali ahaan waa "Caqli gacan ku samays ah" waana qalab lagu borogaraamiyay waxyaabo kala duwan sida inuu wax qoro, inuu wax edit gareeyo, inuu hadlo iwm.
Waa maxay Chatgpt ?
Waa nidaam ku shaqaynaya caqli macmal ah oo ay iska leedahay shirkadda Open AI, waxaa si official ah loosoo saaray 11 June 2020 waxa uuna kuu sahlaya inuu kuusoo ururiyo xogtii aad ka dalbatay ilbidhiqsiyo gudohood iyadoo qoraal ah, sidoo wada sheekaysi wuu idin dhex mari karaa oo sida qof ku hor taagan oo kale ayuu kuula hadlayaa.
Chatgpt waa AI cusub oo wax badan inoo fududeeyay, inaga oo ka faa'idaysanayna Chatgpt, waxaa jira habab badan oo aad lacag u samayn karto adigoo isticmaalaya Chatgpt.
6 Qaab oo aad Chatgpt lacag uga sameeyo
1. In aad ku qoratid "Website Articles"
Waxa uu ku sahlayaa inaad ku qoratid maqaallada websitekaaga aad soo dhigayso, halkii ay waqti badan kaa qaadan lahaayeen waxa uu si dhaqso ah oo waliba tafa tiran aadna u habaysan kuugu qorayaa maqaalkaagi.
Middaasina waxay kaa caawinayaa inaad mawduucyo badan aad si fudud ku diyaariso, kadibna aad ku u furato xayaysiiska Google Adsense, sidaasna aad lacag badan kaga hesho maqaallada websitekaaga.
2. In aad ku diyaarsatid "Social Media Posts"
Waxaa jira posts badan oo dhaadheer kaana qaata waqti badan si aad u qorto, caqabaddaas waxaa iminka kaa xalliyay Chatgpt, waxa uu si fudud kuugu qorayaa posts kaagi, iyadoo aanay wax waqti ah kaa cunin.
Middaasi waxay kaa caawinaysaa inaad faahfaahin qurux badan ka bixiso ganacsigaagi.
3. In aad u isticmaasho turjumaan ahaan.
Chatgpt waxaad ka codsan kartaa in qoraal ku diyaarsan uu kuugu badalo luuqad kale waliba qaab cajiib ah oo casrisan Google Translate.
Waxaa jira dad ku shaqaysta inay wax turjumaan waliba qaab Online ah, Chatgpt ayaana u fududeeyay shaqadooda, halkii uu waqti badan ka bixi lahaa.
4. In aad ku diyaarsatid muuqaallada YouTube.
Waxaa YouTubers badan oo sameeya muuqallo qoraal iyo cod kaliya ah oo aanu wajigoodu soo muuqanayn, Chatgpt waxa uu Youtubers-kaas ka caawinayaa inay ka helaan fikrado badan oo ay muuqaal ka samayn karaan, xitaa haddii ay ka dalbadaan inuu qoraal ahaan ugu qoro waa uu u qorayaa.
Middaasina waxay diyaariyaan muuqallo badan oo ay kusoo bandhigaan janalkooda, kana sameeyaan lacag.
5. In aad ku qoratid "Product Description"
Waxaa jirta marka aad iibinayso alaab gaar ahaan markaad ku iibinayso qaab Online ah, alaabtaasi waxay kaaga baahan tahay description ama inaad sharax kooban ka bixiso alaabtan iyo sida loo isticmaalo.
Hadaba middaas waxaa kuu fududeeyay Chatgpt, kaliya waxaa aad u baahan tahay inaad u sheegto nooca ay alaabtaasi tahay.
Middaasina waxay kaa caawinaysaa in alaabtaadi ay noqoto mid soo jiidasho leh aadna loo iibsado, ayna kaasoo gasho lacag badan.
6. In aad ku qoratid "Business Emails"
Business emails waa emails khuseeyay ganacsigaaga aad u dirayso macaamiishaada, sida markaa aad alaab cusub soo saarto iwm.
Inta badan in la qoro business emails waxay qaadataa waqti, waqtiguna waa muhiim sida aynu wada ognahay, sidaas awgeed waa lagama maarmaan inaad hesho wax waqtigaagi ku ilaaliya shaqadaadina si fudud kuugu qabta.
Chatgpt waxa uu kaa caawinayaa inuu kuu qoro emails qurux badan oo qancin kara macaamiishaada, middaas oo kor u qaadaysa ganacsigaaga iyo dhaqaalahaaga.